
Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Watang'ula ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay Nairobi Jimcihii shalay ku sheegay in dalkiisu uu tallaabo aan la cayimin ka qaadi doonto dalka Eritrea, haddii ay cadaato inay hub ku taageereen Xarakada Al-shabaab oo ay dagaal kula jiraan.
Dowladda Eritrea ayaa ku eedeysay Eritrae inay hubeynayso Al-shabaab oo awood badan ku leh Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana Kenya ay sheegtay in diyaarado hub ka dajiyay Baydhabo la tuhusan yahay inay ka yimaadeen Eritrea.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii safiirka Eritera u fadhiya dalka Kenya, Saalax Cumar Cabduu uu u yeeray wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya, Watang'ula isagoo kala hadlay wararka sheegaya in Eritrea ay hubaynayso Al-shabaab.
Xukuumadda Asmara ayaa dhowr jeer oo hore iska fogeysay eedeymo noocan oo kale ah, iyagoo sheegay in hadalladan ay yihiin kuwo been abuur ah oo wax loogu dhimayo sumacadoodda.
Dowladda Eritrea ayaa sheegtay in wararka barobogaandada ah ee liddiga ku ah ay abuurto dowladda Ethiopia oo ay sheegeen inay ka dhexeyso cadowtinimo dheer, waxaana safiirka Eritrea uu sheegay inay wafdi ballaaran oo arrintan kala hadla Kenya ay dhawaan tegi doonaan Muqdisho.
Kumannaan askarta Kenya ka tirsan ayaa ku jira gudaha Soomaaliya, kuwaasoo kasoo tallaabay soohdinta labada dal u dhexeysa bishii hore si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, waxaana Kenya ay sheegtay in diyaarado hub sida ay dageen maalmihii lasoo dhaafay Baydhabo.
Xarakada Al-shabaab ayaa dhankeeda iska fogeysay wararka sheegaya in diyaarado hub sida oo ka yimid Eritrea ay ka dageen Baydhabo, waxayna hadalkan ku sheegeen marmarsiiyo ay Kenya ku doonayso inay ku dhibaateyso shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya