Agaasimaha Dugsiyada gaarka loo leeyahay iyo agaasimaha cashuuraha bariga Somaliland oo cashuur uruurin iska kaashanaya

Sabti, November 05, 2011 (HOL)- Wasiirka Maaliyada Somaliland Inj:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wareegta uu ku socodsiiyey dugsiyada gaarka loo leeyahay ku amray inay bixiyaan cashuuraha ku waajibay ee shaqaalaha iyo macalimiinta laga qaado.

Cashuurtan lagu soo rogay dugsiyadaasi ayaan wali si rasmiya u bixin cashuurtaasi, taas oo agaasimaha Maaliyada u qaabilsan cashuuraha bariga dhawr jeer la kulmay madaxda sare ee wasaarada waxbarashada si ay uga caawiyaan soo ururinta cashuurtaasi.

Si aanu wax uga ogaano inay wareegtadaasi dhaqangashay iyo in kale ayaa HOL Waxa waraysi la yeelatay, isla markaana wax ka waydiinay agaasimaha wasaarada Waxbarashada u qaabilsan dugsiyada gaarka loo leeyahay Agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahay Mr: Muuse Maxamed Shide, ayaa sheegay in aanu wali si buuxda u dhaqangalin  wareegtadaas ka soo baxday wasaarada Maaliyada oo lagu dardargalinayo kor u qaadida cashuurta dalka.

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in arrintaasi ka wada hadleen maamulayaasha masuulka ka ah dugsiyada gaarka loo leeyahay, isla markaana isla garteen in si toos ah u bixiyaan cashuurta.

“ wareegtadan waxa soo saaray wasiirka Maaliyadu waxaanu doonayey in cashuurta ku waajibtay shaqaalaha iyo macalimiinta dugsiyadaas, haseyeeshee ilaa hadda si buuxda uma dhaqan galin, agaasimaha guud ee waxbarashada ayaa waraaq uu ku adkaynayo bixinta cashuurtaasi u qoray dugsiyadaasi, ana waraaq kale oo aan ku sii adkaynayo ayaan u qoray inay degdeg u bixiyaan, balse ilaa hadda wali waxba lagama hayo” ayuu yidhi agaasime shide mar aanu waydinay sababta ay dib ugu dhacday bixinta cashuurtaasi waxa uu yidhi “ markii aanu is aragnay  Wakiilada dugsiyadaasi waxay noo sheegeen inay arrintaasi iska arkeen wasiirka Maaliyada oo u carabo laalaadiyey, waxaana yidhaahdeen wasiirka ayaanu u tagnay oo wax naga dhimaya, taas ayaa keentay dib u dhaca oo woxoogaa ayaanu ka dhursugaynay, balse imika way dhamaatay, waxaana dhawr jeer halkan noogu yimid agaasimaha cashuuraha bariga ee wasaarada Maaliyadda”ayuu yidhi waxa uu agaasimuhu sheegay inuu xafiiska ugu yimid agaasimaha cashuuraha bariga si ay arrintaasi wax ula qabtaan una soo ururiyaan cashuurahaasi, waxaana xusay inay bari ka baleemeen bilowga hawshaasi “ agaasimaha cashuuraha bariga ee wasaarada maaliyada ayaa noo yimid si aanu ula hawlgalno ururinta cashuurtaasi, waxaanu la balansanahay maamulayaasha oo hawshaasi imika way iska soo dhamaatay waana mid sharci ah balse iyaga uun baanu ka warsugaynay, wada hadal fiicana wuu noo socda wayna iska dhan tahay imika wixii ka dambeeya waanu soo xaraynayna cashuurtaasi ”ayuu yidhi.

Dugsiyada gaarka loo leeyahay ayaan ilaa hadda bixin cashuurtii ku waajibtay oo dhawr bilood ka hor wareegta uu soo saaray wasiirka Maaliyadu sheegay inay bixiyaan cashuurta shaqaalaha iyo macalimiinta ka hawlgala dugsiyadasi oo horena aan looga qaadi jirin.. Dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaala magaalada Hargeys ayaa ka kooban 25 dugsi sare ah, halka dugsiyada Hoose/Dhexe ka yihiin 75 dugsi hoose/dhexe ah.

Wasaarada Maaliyada Somaliland ayaa kor u qaaday soo ururinta cashuuraha dalka, waxaanay sheegeen in sanadkan miisaaniyada dalka kor u kacday ka dib markii ay xakemeeyeen musuqmaasuqyadii ka jiray meelaha ilaha dhaqaale ka soo baxay.

Agaasimaha dugsiyada gaarka loo leeyahay (private schools) ayaa waxa uu sheegay inay iska kaashanayaan soo ururinta cashuurtaasi dugsiyadaasi ku waajibtay.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.