Dagaal ay khasaare kasoo gaareen dad shacab ah oo Muqdisho ka dhacay

Sabti, November 05, 2011 (HOL) — Dagaal degmada Xamarweyne ee Muqdisho ku dhexmaray ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay laba qof oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen lix qof oo kale.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in ciidamada dagaalamay ay kala ahaayeen kuwo ay isbaaro u taallay degmada Xamarweyne iyo ciidammo kale oo kasoo horjeeday, iyadoo dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay ay dhammaantood ahaayeen shacab.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa ku jiray haween, iyadoo aysan jirin wax khasaare ah oo kala gaaray ciidamadii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo markii dambe lagu guuleystay in goobta laga eryo ciidamadii isbaaradu u taallay.

Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in lala dagaalami doono isbaarooyinka iyo ciidamada dhigta, iyadoo dagaallo noocan oo kale ah oo ka dhacay Muqdisho ay ku dhinteen dad rayid ah.

Mas'uuliyiinta dowladda ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan falka lagu dilay maanta dadka shacabka ah, iyadoo dagaalkan uu imaanayo xilli ay degmada Xamarweyne ahayd mid aad u mashquul badan maadaama berri ay ku beegan tahay ciid.

Dhaawacyadii ka dhashay is-rasaaseynta ayaa loo qaaday isbitaalada Muqdisho halka labadii maydna ay goobta ka qaadeen ehelladooda oo ka warhelay, waxaana tani ay argagax iyo cabsi gelisay dadka ku ganacsadaha iyo kuwa ka dukaameysta degmada Xamarweyne.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya