
Talaado, February 16, 2010(HOL): Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali America ayaa booqashoku tegay xerooyinka ay ku jiraan qaxootiga soomaalida ah ee ku yaalla gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Danjire Maxamed Cali America ayaa noqday Mas’uulkii ugu horreeyay oo soomaali ah ama ka tirsan Dowlad soomaaliyed oo booqda xerooyinkaas ay ku jiraan soomaali fara badan muddo 20 sano, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu dadkaas hadda hor u geeyay raashin mucaawinoa h.
Safiirka oo ay wehelinayeen xubno ka socday Hay’ado ka tirsan Qaramada Midoobay waxaa uu la hadlay dadka soomaalida ee ku jira xeryaha qaxootiga sida Dhadhaab, Ifo iyo Xagardheer.
Ujeedada socdaalka safiirka ayaa ahayd mid uu ugu kuurgelayay dadka ku nool xerooyinkaas, iyadoo ay tallaabadan ay qeyb ka tahay waxqabadka ballaaran ee ay safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Kenya.

Meelaha Safiirka booqday waxaa ka mid ahaa xero ay ku jiraan dad dhawaan ka soo qaxay dagaalada ka socda soomaaliya oo sida la sheegay tiradooda gaaraysay ilaa iyo 5000 oo qof kuwaas oo safiirka gacan qaaday qaarkood isagoo hay’adaha Qaramada Midoobay kala hadlay sidii dadkaas loo kaalmeyn lahaa.
Socdaalka Safiirka ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay soomalida halkaas ku dhaqan iyagoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay arkaan wafdi ka socda Dowladda KMG ah ee soomaaliya oo ka damqanaya xaalada dadka ay dowladda u yihiin. Maxamed Cali America Safiirka Soomaaliya ee Kenya ayaa u sheegay dadkii uu booqday in xaaladdooda uu u gudbin doono Dowladda Soomaaliya.
“Ujeedada booqashadaydu xeryaha Qaxootiga ee Kenya ku yaalla waxaa ka mid ahaa inaan ogaado habka loo diiwangeliyo dadka qaxootiga ah, nolosha dadkaas, habka raashinka loo siiyo iyo dugsiyo waxbarasho oo halkaas ku yaalla, sidoo kale waxaan doonayay inaan soo dhageysto dadkaas qaxootiga ah maadama aan mas’uul ka ahay Safaaradda Somalia ee Kenya”ayuu yiri Maxamed Cali America Danjiraha Somaliya u fadhiya dalka Kenya.

“Cid nagu marti qaaday ma jirto waxaan kaliya xiriir lahayn guddiyo ay leeyihiin dadkaas qaxootiga ah iyo annaga, waana wax waajib nagu ah inaan soo eegno dadkaas”ayuu yiri Maxamed Cali America oo sheegay in halkaas ay ku soo arkeen Dugsiga hoose /Dhexe kaas oo ay dhigtaan in ka badan 3000 arday, “waxaa I farxad geliyay Wiil yar oo markii aan u sheegay inaan ahay Safiirka Soomaaliya waxaa uu qaaday heesta Calanka soomaaliya, aad baan ugu farxay arrintaas” ayuu hadalkiisa ku sii daray safiirka.
Ugu dambeyntiina, Danjire Maxamed Cali Nuur America ayaa kala hadlay xubno ka socday Dowladda Kenya in ay furaan xuduudda labada dal si loo badbaadiyo shacab badan oo Soomaaliyeed oo ka soo qaxaya dagaallada cusub ee dalka soomaaliya ka socda.





Nuuradiin Macalin Mukhtaar (Diinow)
[email protected]
Nairobi, Kenya