Talaado, February 16, 2010(HOL): Madaxa Qaramada Midoobey ahna Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mark Bowden, ayaa maanta muujiyey sida weyn ee uu uga welwelsan yahay dhibaatada iyo barokaca badan ee ay sababeen dagaalladii ugu dambeeyey ee dhowaan ka dhacay Muqdisho. Labadii toddobaad ee ugu dambeeyey oo qura, ayaa halkaa lagu diley in ka badan 80 qof oo rayid ah waxaana lagu barokiciyey in ka badan 8,000 oo qof.
“Waxa i dhibey tirada badan ee dhaawaca iyo dhimashada ah ee ay sababeen dagaalladii labadii toddobaad ee la soo dhaafey ka dhacay Muqdisho. Rayidka ayaa ay weli dhibaatada ugu badan ka soo gaareysaa iskahorimaadka iyo nabadgelyo-xumada dalka ka jira,” ayaa uu yiri Mark Bowden.
Dagaalkii ugu dambeeyey waxa uu badanaaba ka dhacay qaybta waqooyi ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka Heliwaa, Yaaqshiid iyo Wardhiigley. Goobahaas ayaa sidoo kale ah meelaha dadka ugu tirada badan dadka ay ka barokaceen.
Qaar ka mid ah dagaalladii ugu xumaa waxa ay dhaceen 10kii Febraayo markaas oo ay dhinteen in ka badan 24 qof oo 158 qof oo dhaawac ahna la dhigey cusbitaallada iyaga oo qaba dhaawacyo la xiriira dagaalka. Qaramada Midoobey waxaa ay qiyaaseysaa, in ku dhowaad 8,3000 qof ay barokaceen ilaa 1dii Febraayo, kuwaas oo 5,700 oo ka mid ah ay ka baxeen magaalada, iyaga oo badidoodu aadey Waddada Afgooye. Ilaa 2,400 ayaa aadey meelo xoogaa ka ammaan roon oo isla Muqdisho ah.
Xiriiriyaha Arrimaha Bani’aadamnimadu waxa uu aaminsan yahay in dhibaatada badan iyo barakaca dadka rayidka ahi ee ka socda Muqdisho ay tilmaamayaan in dhammaan dhinacyada iskahorimaadku ka dhexeeyo ay xoog aan loo meel dayin oo aan qiyaasneyn u adeegsanayaan dadka rayidka ah. Xiriiraha Arrimaha Bani’aadamnimadu waxa uu dhammaan dhinacyada ku lugta leh iskahorimaadka ugu baaqayaa in ay ilaaliyaan dadka rayidka ah ayna yareeyaan halisaha ay gelinayaan dadka rayidka ah iyaga oo ixtiraamaya oo fulinaya waajibaadka uu saarey Sharciga Caalamiga ah ee Bani’aadamnimada.
Faahfaahinta dheeriga ah kala soo xiriir: Muna Mohamed, Sarkaalka Macluumaadka, +254-733643737 ama mohamed2 @un.org
Macluumaad dheeri ah oo ku saabsan Soomaaliya ka eeg: www.ochaonline.un.org/somalia
Hiiraan Online News Desk