
Talaado, 16 February 2010 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wefti ka socda Qaramada Midoobay iyo Hay’ado kale oo Caalami ah, kuwaas oo ay ka wada hadleen arrimo la xidhiidha Mashaariicda horumarinta Somaliland.
Weftigan oo maalmihii u dambeeyay kulan laga horjoogsaday Warbaahinta Madaxa bannaan la lahaa Xukuumadda Somaliland, ayaa maanta Madaxweynaha kulan kula yeeshay Aqalka Madaxtooyada.
Warsaxaafadeed la xidhiidha arrintan oo uu Afhayeenka Madaxweynuhu soo saaray, ayaa wuxuu u dhignaa sidan;
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, waxaa uu Maanta Xarunta Madaxtooyadda kulan kula yeeshay Wafti balaadhan oo ka socda Hay’addaha Caalamiga ah ee ka hawl gala Mashaariicda Horumarinta Somaliland.
Waftigaasi oo uu hogaaminaayo wakiilka laanta Qaramadda Midoobay u qaabilsan Mashaaricda Horumarinta ee Marka la soo gaabiyo loo yaqaano “UNDP” Mr. Mark Bowden, isla Markaana ay ka mid ahaayeen Wakiilo ka socda Baanka Aduunka, Ururka Isbaahaysiga Reer Yurub iyo laama kale oo ka tirsan Hay’addaha Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay, waxaa mudo dhawr Maalmood ah ah kulan Aqoon is waydaarsi ah ay ku lahaayeen Hutel-ka Ambasadoor.
Kulankaas oo lagu lafa guraayey looguna kuur galayey Mashaariicda Hay’addahaasi ay ka fuliyeen Somaliland iyo kuwa u qorshaysan inay ka hirgeliyaan Mustaqbalka dhaw, waxa ka soo qayb galay Aqoon iswaydaarsigaasi Dadbadan oo ku dhaw 100-qof kana socda Wasiiro, Golayaasha Qaranka Somaliland, Axsaabta Qaranka iyo Hay’addaha kale ee qaabilsan horumarka Bulshada.
Madaxweynuhu hadal kooban oo uu waftigaasi u jeediyey markii uu la kulmay Waxaa marka hore uu ugu mahad naqay kaalmooyinka Hay’addaha Caalamiga ah ay ka hirgeliyaan Somaliland iyo kuwa kale ee u qorshaysanba heer kasta oo ay yihiin”.
Waxaa u Madaxweynuhu ka dhawaajiyey in ay lagama Maar-maantahay in ay Hay’addahaas Caalamiga ay ahmiyad gaar ah ay siiyaan baahida dag-dega ah ee Shacbiga Somaliland, gaar ahaan Mashaariic Shaqooyin loogu abuuraayo Dhalinyarada, horumarinta Biyaha, Caafimaadka, Tacliinta, iyo meelaha kale ee ay ka jirto baahida dagdaga ah iyada oo ay dalka ka dhaceen Abaarro meelo badan saameeyey .
Madaxweynuhu waxaa iyana soo qaaday in ayna u qalmin Somaliland in had iyo jeer lagu qiimeeyo waxyaabaha ka dhacaaya Somaliya iyada oo Aduunku u ka war hayo waxay qabsatay Somaliland 18-kii sanadood ee u danbeeyey gaar ahaan dhinaca Nabad gelyada, Xasiloonida iyo Geedi socodka Dimuqraadiyadda.
Kulankaa maanta ka dhacay Xarunta Madaxtooyadda waxa kaloo goob joog ka ahaa Wasiirka Qorshanta Somaliland Mudane Cali Ibraahim(Cali Sanyare) oo isna si guud uga hadlay Shirkii Aqoon is waydarsiga ee Waftigu ay ku qabsadeen Somaliland iyo Mashaaricda ay damacsan yihiin in ay ka hirgeliyaan Dhawrka Sano ee soo socda”.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland