Talaado 16, Feb, 2010 (HOL) Laba bambo oo kuwa gacanta laga tuuro ah ayaa xalay lagu weeraray saldhig ay ciidamada Dowladda Soomaaliya ku leeyihiin agagaarka dugsiga tababarka booliiska ee Muqdisho.
Weerarkan oo dhacay fiidnimadii xalay ayaa waxaa ku dhaawacmay labo askari sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya oo ay saxaafaddu la xiriirtay.
Qaraxyadan ayaan la sheegin khasaare kale oo ay geysteen, iyadoo kooxihii fuliyay ay baxsadeen. ciidamadii saldhigga ayaa furay rasaas kaddib qaraxa, taasoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ay sababtay.
Agagaarka saldhigga xalay la weeraray ayaa saakay lasoo dhoobay ciidamo faro badan oo baaritaanno ku sameynayay gaadiidka, waxaana weerarkan uu noqonayaa midkii labaad oo ka dhaca deegaannada ay gacanta ku hayso Dowladda.
Maalintii shalay ayaa waxaa weerar xooggan oo ismiidaamin ah uu ka dhacay Jidka Makka Al-Mukarrama oo ay gacanta ku hayso Dowladda Soomaaliya, kaasoo la doonayay in lagu dilo Wasiir-u-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde.
Weerarradan ayaa imaanaya iyadoo dowladda iyo kooxaha kasoo horjeeda ay ka wadaan Muqdisho diyaargarow dagaal, taasoo keentay in kumanaan qof ay isaga cararaan caasimadda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya