Talaado, February 16, 2010(HOL): Wasaarada arimaha gudaha ee DGPL ayaa ka hadashay Lamaane u dhashay dalka ingriiska kuwaasi oo afduub loogu haysto meelo ka mid ah Xeebaha Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada gudaha ee Puntland Yuusuf Axmed oo kulan ku qabtay xafiiskiisa magaalada Bosaaso ayaa ku baaqay in la sii daayo lamaanahasi oo in muddo ah afduub loo haysto.
Waxa uu ka digay Wasiirka in dadkaasi ay ku geeriyoodaan gacanta afduubayaasha ,Maadaama ay yihiin dad waayeel ah oo aad u tabar daran,isagoo sheegay in arintan ay dhibaato wayn u keen karto dadka soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa.
Sidoo kale yuusuf Axmed Khayr wasiir ku xigeenka arimaha gudaha ee Puntland ayaa xusay dhibaatada ka imaan karta sii haysashada Labadaasi ruux ,waxaana uu xusay in aanan lagu haysan gudaha Puntland.
Ugu danbaynta Fariinta Puntland ee ku aadan sii daynta lamaanayaasha ayaa u muuqanaysa mid kor u qaadi karta dadaalada loogu jiro in xoriyodoodi ay dib helaan labadaasi ruux oo u dhashay dalka Ingriiska.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
Boosaaso, Soomaaliya