Khilaafkii Golaha Guurtida Somaliland oo maanta la soo af-jaray iyo Shirguddoonka Golahaas oo sheegay inay ku qanceen

Talaado, 16 February 2010 (HOL)- Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay go’aano ay soo saareen Guddi dhawaan loo saaray xalinta khilaaf u dhaxeeya Shirguddoonka  Golahaas, kuwaas oo maanta Golaha Guurtida horkeeno go’aano ay ka gaadheen khilaafkaas.

Fadhigii maanta ee Guurtida ayaa maanta laga hor akhriyay Go’aanka ay soo saareen Guddidaas ayay Mudanayaasha Golaha Guurtida ee maanta ka soo xaadiray fadhigaas oo dhamaa 62 Mudane ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen.

Warbixintii Guddida ee ay Mudanayaasha Goluhu ansixiyeen, ayaa waxay u dhignayd sidan;

"Guddida xal u helida khilaafaadka Golaha Guurtida markay arkeen Xeer Hoosaadka Golaha Guurtida JSL, qodobkiisa 4-aad, Xarafka (D) oo tilmaamaya in awooda isku shaandheynta ay leeyihiin Shirgudoonku.

Markay darseen in nuxurka khilaafku ku salaysan yahay qodobkaasi kor ku xusan.

Marakaanu ogaanay in Guddidii hore ee Joogtadu aanay sharci ahayn, Goluhuna ansixin hase yeeshee ay shaqo gashay ta cusubina ay la mid tahay.

Markaanu aragnay soo jeedintii labada Guddoomiye Ku xigeen, Goluhuna ayiday kuna taariikhaysnaa 09/01/2010-ka ee kalfadhiga 39-aad, ee nuxurkiisuna ahaa in shirgudoonku iskaga yimaadaan isku shaandheynta soona saaraan wax ay u dhan yihiin.

Markay noo caddaatay in shirgudoonku ku heshiin waayay isku shaandheyntaasi.

Markaanu garowsanay in khilaafka labada Guddi uu saameeyay Golaha aqlabiyadiisii (50 Xubnod)..
Waxay Guddidu soo saartay Go’aankan;

1- Inaan labada Guddi joogto (tii hore iyo ta cusub) midna sharci ahayn, sidaasi daraadeed Guddidu way laashay labadaba.

2- In shirgudoonku soo sameeyo isku shaandheynta Guddiyada inta ka hadhay kal fadhiga 39-aad isla markaasna Guddida joogtada ah la soo hor dhigo Golaha si loo ansixiyo.

Fiiro Gaar ah:

Isku dhacyadii dhex maray Xubnaha Golaha, Guddida ayaa si gaar ah u galaysa."

Magacyada Guddida:

1- Md. Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal Guddoomiye
2- Md. Aadan Shire Faarax Xubin
3- Md. Cabdiqaadir Aw- Xuseen Mire
4- Md. Sh. Maxamuud Xirsi Faarax
5- Md. Farxaan Ciise Ubaxle
6- Md. Xirsi Ciise Jaamac
7- Md. Yuusuf Sh. Axmed Nuur
8- Md. Maxamed Xuseen Hurruuse
9- Cumar Maxamed faarax Xoghaye
 
Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland