Maamulka Kismaayo oo badalay boosteejooyinkii caanka ahaa ee ku yaallay gudaha magaalada Kismaayo

Talaado, February 16, 2010(HO): Wareegto manta kasoo baxday xafiiska arimaha bulshada maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose ayaa waxa lagu sheegay in manta oo ay taariikhdu tahay 15/02/2010, in gabi ahaanba ay rareen dhamaanba boosteejooyinkii la raaci jiray gaadiidka qeybihiisa kala duwan in la joojiyay islamarkaana lagu wareejiyay suuqii hore ee caalamiga ahaa ee suuqweyne oo imika loo badalay ‘axmed gureyeey’ ee k u yaallay xaafadda calanley ee magaalada Kismaayo.
 
Waxaana dhamaanba boosteejooyinkii gaadiidka sida boosteejooyinka xamar, Kenya, Gedo iyo weliba kuwa kale ee tuulooyinka iyo degmooyinka kale ee gobollada dalka Soomaaliya lagu wargeliyay in ay xarumo ka sameystaan suuqa weyn ee uu maamulku ugu magacdaray suuqa Axmed Gurey, iyadoona uu maamulku sheegay in manta wixii ka danbeeyo aan la arki karin boosteejo ka shaqeyneysa meelo kabaxsan goobaha uu maamulku u cayiman ee gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose.
 
Sikastaba ha ahaatee wareegtadani manta kazoo baxday maamulka islaamiga ah ee magaalada kismaayo ayaa ku soo beegmeysa xilli mudooyinkii ugu  danbeeyay maamulka magaalada kismaayo uu waday howlo ay dib ugu dayactirayaan suuqyada iyo xarumihii hore ee dowladii soomaaliya ayadoona aan la ogeyn sida arintani ay ugu hogaansami doonaan baabuurleyda ka holwgasha gudaha magaalada kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya