Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde) oo sheegay in qaraxii lala beegsaday uusan waxba u dhimaynin howlihiisa shaqo

Talaado 16, Feb, 2010 (HOL) Wasiir u dowlaha Wasaaradda Gaashanaadhigga Dowladda Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde) oo ka hadlay isku-daygii la doonayay in lagu dilo ayaa ku tilmaamay mid fulaynimo ahaa.

Sheekh Yuusuf Indhacadde wuxuu shir jaraa'id oo uu ku qabtay gurigiisa ku sheegay in qaraxyadaas oo uu ka badbaaday aysan waxba u dhimayn howlaha uu u hayo dowladda iyo dagaalka uu kula jiro kooxaha kasoo horjeeda.

"Weerarku wuxuu ahaa mid fulaynimo ah, waana ka badbaaday Ilaahay Mahaddii, balse wuxuu ii noqday mid sii xoojiya hamigayga ah inaan dagaal la galo kooxaha naga soo horjeeda" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.

Wasiir-u-dowluhu wuxuu sheegay in qaraxyadii shalay ay caddeyn u ahaayeen in kooxaha dowladda kasoo horjeeda aysan diyaar u ahayn in dadka laga dhexsaaro dagaalka, isagoo sheegay inta naftu ku jirto inuu dagaalka wadayo.

"Markaan dhinto ayaan joojin doonaa dagaalka aan kula jiro kooxaha diidan DFKMG" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhocadde oo sheegay in weerarkaas uu ahaa mid ay soo qaadeen kooxaha kasoo horjeeda isagana lagu bartilmaameedsaday.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in isaga iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ay weli ka dhexeyso saaxiibtinimo mararka qaarna ay wadahadallo yeeshaan, isagoo taas ku tilmaamay mid wax u dhimaysa howlaha uu dowladda u hayo.

Qaraxii shalay lala beegsaday Wasiir-u-dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay laba qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen dad ka badan 11-qof, kuwaasoo laba ka mid ah ay ahaayeen ilaaladiisa, waxaana sheegtay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya