
Talaado, 16 February 2010 (HOL)- Ururka Shabakadaha Wararka Internet-ka ee ka hawl-gala Somaliland, ayaa cambaareeyay tallaabo ay Xukuumadda Somaliland kaga reebtay Shabakadaha Wararka Internetka shir Caalami ah oo maalmahanba ka socday Hargeysa.
Shirkaas oo u dhaxeeyay Qaadhaan-bixiyayaasha Caalamiga ah ee Somaliland ka caawiya dhinaca horumarinta iyo Xukuumadda Somaliland, ayaa Wasaaradda Qorshaynta Somaliland ay marti-qaadkii Warbaahinta loo qaybiyay ka reebtay guud ahaanba Shabakadaha Wararka Somaliland ka hawl-gala.
Masuuliyiinta iyo xubno ka tirsan Ururkan oo maanta Shir-jaraa’id ku qabtay Hutel Hadhwanaag ee Magaalada Hargeysa, ayaa arrintaas ku tilmaamay mid meel ka-dhac ku ah xaqa Suxufiyiintani u leeyihiin helitaanka Warka.
Ku-simaha Guddoomiyaha Ururkan Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay, ayaa ugu horrayn ka warbixiyay ujeedada shirka-jaraa’id. “Ujeedada shirkan-jaraa’id waa in aanu ka hadlno Qoraalka marti-qaadka Warbaahinta ee ka-qayb-galka gunaanadka Shirka Xukuumadda iyo Qaadhaan-bixiyayaasha oo ay Wasaaradda Qorshayntu ka reebtay Shabakadahaa Wararka ee ka hawl-gala Somaliland. Runtii maaha markii u horraysay ee ay Xukuumaddu kala-reebto Warbaahinta, hore waxa u dhacday in Madaxtooyada iyo Wasaaradaha kale ee Xukuumaddu qaar ka mid ah Warbaahinta iyo Suxufiyiinta ka hawl-gala shabakadaha Wararka ka reebaan shirar noocan oo kale ah.” ayuu yidhi ku-simaha Guddoomiyuhu, waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Waxaanu u soo jeedinaynaa Wasiirka Qorshaynta in uu ka laabto tallaabadaa lagu kala reebay Warbaahinta, haddii aanay Xukuumaddu ka waantoobin arrintaas amaba aan laga noqon, waxaanu qaadi doonaa tallaabada nagala gudboon.”
Cabdishakuur X. Muxumed Muuse (Heersare) oo isna ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay, ayaa isna hadalladiisii waxa ka mid ahaa, “Waxaanu tallaabadan u aragnaa fal-dambiyeedyo ka dhan Shuruucda Saxaafadda iyo takoor lagu sameeyay Shabakadaha Wararka. Waxaanu leenahay, Wasiir yaanay kaa hoosin waxtarka ay Shabakadaha Wararku leeyihiin. Sababtoo ah, marka laga yimaaddo sida joogtada ah ee ay wararka dalka caalamka u gaadhsiiyaan, waxa xusid mudan kaalinta ay ka qaateen qaylo-dhaantii u dambaysay ee Abaaraha oo ay meel fog gaadhsiiyeen Shabakaduhu.”
Maxamed Cabdalla Cilmi oo isna halkaa a hadlay, ayaa sheegay in tallaabadan Wasaaradda qorshayntu qaaday ay meel-ka-dhac ku tahay shuruucda dalka iyo ta xorriyadda madaxa bannaan. “Arrintani waxay meel-ka-dhac ku tahay shuruucda madax-bannaanida Saxaafadda iyo xaqa Suxufiyiintani u leeyihiin helitaanka Warka ee uu jideeyay Dastuurka Somaliland iyo shuruucda kale ee caalamiga ahi.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdalla, waxaanu Wasiirka iyo Wasaaraddaasba u soo jeediyay inay dib u eegaan tallaabadan. “Maanta Shabakadaha Wararku waa Warbaahintii oo dhan oo isku jirta, waxay ka kooban yihiin Muuqaallo, Sawiro iyo Qoraalba. Markaa waxaan soo jeedinayaa in tallaabadan dib looga noqdo.” Ayuu yidhi Maxamed.
Intaa ka dib, su’aalo halkaa lagu waydiiyay xubnahay, waxa ka mid ahayd mid nuxurkeedu ahaa inay jirto cid ay kala xidhiidheen Wasaaradda iyo in kale ka hor intii aanay Shirka Jaraa’id qaban. “Haa waanu la xidhiidhnay, waxaana naloo sheegay in intii ay Wasaaraddu doonaysay la marti-qaaday ee inta aan la marti-qaadin aan loo baahnayn.” Sidaa waxa ku jawaabay ku-simaha guddoomiyaha Ururkan Cabdifataax Ismaaciil Mursal.
Sidoo kale, mar xubnahan la waydiiyay tallaabada ay qaadayaan haddii aan laga noqon arrintan iyo cidda ay u aanaynayaan inay ka dambayso, waxay sheegeen in ay ka war sugayaan jawaabta Wasaaraddu a bixiso hadalkooda. “Horta waxay u muuqanaysaa in lagu degdegay haddii aanu nidhaahno ciddaas ayaa ka dambaysay, mana jirto cid aanu gaar ugu eedaynaynaa maadaama qoraalka marti-qaadka maanta la qaybiyay. Hase ahaatee, haddiiba jawaab lagu qanco ay ka bixin waydo Wasaaraddu, waanu ka tashan doonaa waxaanu ka yeelayno.” Sidaa waxa su’aashaa kaga jawaabay Barkhad Maxamuud Kaariye oo ka mid ahaa xubnihii shirkaa-jaraa’id ka hadlay.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland