Ururka Midowga Afrika oo maalin berri ah ka shiraya xalaadda dalka Soomaaliya iyo ciidamada Muqdisho ku sugan ee AMISOM

Talaado 16, Feb, 2010 (HOL) Afhayeen u hadlay ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in maalinta berri yeelanayaan kulan ay kaga hadlayaan sida ugu habboon ee nabad loogu soo dabaali karo Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Al-Qaasim Wane oo u hadlay Midowga Afrika ayaa saxaafadda u sheegay in shirkan diiradda lagu saari doono sidii loo kordhin lahaa ciidamada AMISOM, xilna la isaga saari lahaa dajinta dalka Soomaaliya kaddib 18-sano oo dagaallo ah.

"Shirka ka dhacaya Addis Ababa berri oo 17-ka Feberaayo ah, waxaan lagu gaari doonaa heshiis ku aadan in dalalka Afrika ay kaalin mug leh ku yeeshaan xal u helidda dalka Soomaaliya iyo dhameystirka tirada ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika" ayuu yiri Al-Qaasim.

Mas'uulkan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamo ka badan kuwa Midowga Afrika ee hadda ku sugan Soomaaliya la geyn doono halkaas, si loo gaarsiiyo tiradooda 8-kun oo ahayd middii horay loo ballanqaaday.

"Kulanka waxaa sidoo kale lagu soo qaadayaa sidii laga yeeli lahaa howlaha ay Somalia u joogaan ciidamada AMISOM iyo sida ay ku suurogeli karto inay gacan ka geystaan nabadeynta Soomaaliya" ayuu yiri Afhayeenka u hadlay Midowga Afrika.

Afhayeenku wuxuu ugu baaqay caalamka inay gacan ka geystaan taageerada dib loogu soo celinayo ammaanka Soomaaliya, isagoo xusay in AMISOM ay sidoo kale fulin doonaan howlo ay ku tababarayaan ciidamada Soomaaliya.

"Howgallada Ciidamada AMISOM ay ka wadaan Soomaaliya waa kuwo muhiim ah, marka la eego dib u soo celinta ammaanka dalkaas; ciidamada howsha wadana waa 5,300-askari oo ka socda Burundi iyo Uganda" ayuu yiri Mas'uulkan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya