Wilaayada Islaamiga ah ee Jubbooyinka oo sheegtay in ay dagaal kula wareegtay deegaanka Diif ee gobolka J/hoose

Talaado,February 16, 2010(HOL): Shir jaraa'id oo uu maanta qabtay madaxa warfaafinta Wilaayada Islaamiga ah ee gobollada Jubbooyinka ee hoostagta Xarakada Shabaabul mujaahidiin Sheekh Xasan Yacquub Cali  ayaa waxa uu shaaca kaga qaaday in ay la wareegeen deegaanka Diif ee ku yaal cirifka galbeed ee gobolka J/hoose kaddib dagaal xooggan oo ay xalay ilaa saaka kula jireen ciidamo uu watay Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin ka ah ururka Xizbul islaam isla markaasina dagaal kula jira maamullka Alshabaab ee Jubbooyinka.

Sheekh Xasan yacquub ayaa sheegay in ay dagaal xooggan la galeen ciidamadii uu watay Axmed Madoobe dagaalkuna uu qaatay saacado badan ugu danbeyntiina waxa uu sheegay in ay la wareegeen deegaankaasi Diif oo ku yaal xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya, waxaa sidoo kale uu sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dhankooda.
 
Ma jiraan ilaa iyo haatan wax war ah oo ku aadan sheegashada maamulka Alshabaab ay sheegteen in ay la wareegeen deegaankaasi Diif oo kasoo baxay dhanka kale ee xoogaggii uu horkacayay Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu ka tirsan Ururka xizbul  Islaam.

Hadalkan maanta kasoo yeeray maamulka Alshbaab ee gobollada Jubbooyinka ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay jiraan xiisado dagaal oo ka taagan qeybo katirsan gobolkani J/hoose kuwaas oo ay isaga soo horjeedaan maamulka Alshabaab ee Jubbooyika iyo xoogagga uu horkacayo sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo isagu xubin ka ah Ururka Xizbul islaam.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya