Talaado 16, Feb, 2010 (HOL) Culumaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca ayaa u soo jeediyay cambaareyn qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho ee lala eegtay wasiir u dowlaha gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde).
Madaxa dacwada ee Ururka Ahlusunna Sheekh Aadan Qudbi oo shir jaraa'id ku qabtay Gobolka Galguduud ayaa sheegay in qaraxaas uu ahaa mid loogu talogalay in lagu dilo dadka Soomaaliyeed.
"Waxaan cabmaareynaynaa qaraxii lagu weeraray wasiir u dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya Sheekh Yuusuf Indhacadde, wuxuuna ahaa mid la doonayay in lagu dhibateeyo shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiir Mas'uulkan.
Sidoo kale madaxa dacwada Ahlusunna Waljamaaca wuxuu sheegay inay iyagu ka dul-qaadi doonaan dadka Soomaaliyeed dhibaatooyinka kaga imaanaya kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
"Tacsi ayaan u diraynaa ehellada dadkii ku dhintay Qaraxaas, waxaana leennahay ilaahay wanaag ha idin kugu badalo" ayuu yiri Madaxa dacwada Ahlusunna, qaraxaas ayaa waxaa sheegtay Xarrakatul Shabaab, waxaana ku dhintay laba qof iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro inaas ka badan.
Dhanka kale, wuxuu ka hadlay bilashada ama dhalashada bisha Mowliid ee ah bishii uu dhashay Nebi Muxammed (NNKH), isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed oo dhan inay xusaan dhalashada Rasuulka oo uu sheegay inuu khayr badan ku jiro.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya