Talaado 16, Feb, 2010 (HOL) Xafiiska gargaarka bani'aadamnimo ee Qarammada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo saaray warbixin uu kaga hadlay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku barakacay dagaalladii ka dhacay Muqdisho.
Madaxa xafiiskan Mark Bowden ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inay ku dhinteen dagaallo labadii todobaad oo lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho dad kor u dhaafaya 80-qof oo rayid ah, ayna ku barakaceen 8-kun oo kale.
"Dagaalada dadkan ay ku dhinteen waxay ka dhaceen degmooyinka waqooyi ee Muqdisho, gaar ahaan Yaaqshiid, Huriwaa iyo Wardhiigley" ayuu ku yiri Bowden warbixintiisa.
In ka badan 8-kun oo qof ayuu sheegay inay guryahooda uga carareen dagaaladaas oo u dhexeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda, sida Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururka Xisbul Islaam.
"Shacab ayay dhibaatada ugu xoogan ee dagaaladaas ay wax kasoo gaartay" ayuu yiri Mark Bowden isagoo sheegay in dadka barkacay ay ku biireen dadkii horay ugu sii barakacsanaa inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye iyo duleedka waqooyi ee caasimada.
Dagaalkii ugu xumaa ayuu ku sheegay inuu ahaa mid dhacay Feberaayo 10-keedii, kaasoo u dhexeeyay ciidamo kala taabacsan Dowladda iyo Xarrkatul Shabaab, ayna ku dhinteen 24-qof, dhawaacyana ay kasoo gaareen 160-qof oo Isbitaallada la geeyay.
Saddex-meelood dadkii ka barakacay Muqdisho ayaa ku barakacay gudaha Muqdisho, iyagoo ka guuray xaafadaha ay dagaalladu ka jiraan una guuray xaafado kale oo ka nabdoon.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya