Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Dhisme ka socday suuqa Karmel oo ah midka ugu weyn ee ay Soomaalidu ku leeyihiin magaalada Minneapolis ayaa aroornimadii saakay waxaa ku dhufatay dabeyl xooggan, taasoo sababatay in suuqa uu gabi ahaan gudaha isugu dhaco, ma jirto cid wax ku noqotay, laakiin waxaa xiran suuqa oo ka koobnaa labo qaybood.
Mar aan booqannay suuqaas waxaa ku sugnaa qaybaha ciidamada kala duwan sida booliiska magaalada, dab-damiska, ciidanka taraafikada oo gabi xiray waddada uu ku yaallo suuqa, saraakiisha magaalada, dowladda hoose iyo hay'adaha tamarta saraakiishooda, ayaa iyaguna ku sugnaa suuqaas.
Suuqa hareerihiisa ayaa waxaa dhoobnaa ganacsatadii oo u badan haweenka oo ganacsiyada ugu badan ee suuqa ku iibiya caadiya dhar isku wada midab ah, waxaa ku yaal dhammaan xawaaladaha, maqaayado, biibitooyin, xafiisyo kala duwan oo ay dad badani u soo shaqo-tegi jireen, iyadoo la arkayay dadkaas oo dhan oo tuban bannaanka dhismaha suuqa.
Habbi Khaliifa oo ka mid ah ganacsatada suuqa ayaa HOL u sheegay in la waday mashruuc lagu waynenayo suuqa oo saddex dabaq lagaga dhigayay, kuwaasoo ay ku jireen masaajid iyo musqulo; kaddibna ay saakay si lama filaan ah dabeyli ugu dhufatay, taasoo sababtay inay dunto qaybtii la dhisaayay, iyadoo magaalada ay ka jirtay saakay dabeyl xooggan.
Waxaan kaloo ii muuqatay in baallayaashii korontada suuqaas ay qaarkood dhulka ku dhaceen, hay'adda gaaska iyaguna waxay xireen gaaskii suuqa, taasi waxay wax yeeli doontaa qaybaha suuqa sida dukaamada nooca loo yaqaan XALAAL oo iibiya hilibka, qudaarta, iyo maqaayadaha iibiya cunnada; taasoo xumaan doonta haddii aanay helin qaboojiyeyaal.
Lama garan karo waqtiga suuqa dib loo furayo, iyadoo caadiyan markay dhibaato tan oo kale ay dhacdo dalkan Maraykanka loo soo diro qubaro baara dhismaha si masiibo kale aysan u dhicin; taasoo ay dhici karto inay muddo dheer ama mid gaaban qaadato.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online MPLS

