C/WELI SHEEKH: Waa wax Xanuun leh in Hooyooyinka aysan helin daryeel


Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb-galay xafalad lagu daah-furayey barnaamijka caafimaadka asaasiga ah oo wasaarada caafimaadku ay soo qaban-qaabisay.

Munaasabaddan ayaa waxaa kasoo qayb-galay wasiirro ka tirsan xukuumadda, dhakhaatiir, qubaro dhanka caafimaadka ah, danjiraha boqortooyad Ingiriiiska u fadhiya Soomaaliya, isku-xiraha arrimaha bani’adannimada Soomaaliya, qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka gobolka Banaadir.

Agaasimaha wasaaradda caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Faarax ayaa faah-faahin dheer ka bixiyay habka uu u shaqenayo barnaamijkan oo aan noociisa horay looga hir-gelin dalka iyo inta qaybood oo ka kooban yahay.

“Barnaamijkan wuxuu soo socday muddo afar sano ah, wuxuuna soo maray mar-xalado kala duwan, waxaana maanta noo suuro-gashay inaan soo gaarsiino heer aan u soo bandhigno shacabka Soomaaliyeed, waxaana si tijaabo ah uga fulinaynaa sagaal gobol. Waxaa dalkeena ka jira dhibaatooyin caafimaadka, taas oo sabab u noqotay dowlad la’aanta aan kusoo jirnay muddada badan, waxaase rajo fiican ka qabnaa in barnaamijkan uu wax weyn ka bedeli doono xaaladaha caafimaad ee ka jira dalka,” ayuu yiri Dr. Maxamed Cabdi oo xusay in Somalia ay caalamka kaga jirto heerka ugu liita ee hooyadu ay ku dhimato marka ay gaarto xilliga dhalmada. Waxaa hela umiliso aqoon leh 9%, halka 91% aysan helin. Waxaa intaas sii dheer in carruurteenna 40% kaliya ay helaan tallaalka caafimaadka.

Danjiraha Ingiriiska ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan cusub, wuxuuna ballan-qaaday in dowladdiisa oo la kaashanaysa deeq-bixiyayaasha ay qayb muhiim ah ka qaadan doonto sidii Soomaaliya u heli lahayd caafimaad taaba-gal ah, sidoo kale danjiraha ayaa xusay in dowladda Ingiriiska ay lacag faro badan oo loo isticmaalay tayeynta adeegyada caafimaadka ugu deeqday Soomaaliya.

Ugu dambeyntii ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay nidaamka caafimaadka dalku in uu yahay mid aad u liita ayna xukuumaddiisu mudnaanta koowaad siinayso sidii uu miro-dhal u noqon lahaa barnaamijkaan cusub.

“Aad ayaan uga xanuunsanayaa in hooyada Soomaaliyeed aysan helin daryeel caafimaad xilliga ay ku guda jirto dhalmada, maanta Soomaaliya waxay gashay heerka ugu hooseeyay caalamka oo hooyooyinku ku umul raacaan, waa inaan aad uga fekernaa sidii wax looga qaban lahaa caafimaad-xumada haysata hooyooyinka iyo carruurta oo ah kuwa ugu nugul bulshada, waxaan ka rajaynayaa in caalamku nagu garab istaagayo hirgelinta adeegyada caafimaadka, ummad aan caafimaad lahayn ma gaari karto horumar iyo nolol fiican,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku ammaanay wasaaradda caafimaadka dadaalka ay ugu jirto sidii dadka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen adeeg caafimaad oo dhamaystiran, isla markaana meesha ka saara dhibaatooyinka soo wajaha hooyooyinka Soomaaliyeed xiliga dhalmada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya