DUCAALE: Ciidankeennu kama baxayaan Somalia illaa la tirtiro Argagaxisada"


Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Xildhibaanka hoggaamiya aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya, Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya aysan ka baxayn marna Soomaaliya, isagoo cambaareeyay kuwa ku baaqaya in ciidamada Kenya ee AMSIOM ka tirsan laga soo saaro Soomaaliya.

"Ciidamadeennu waxay kasii shaqeynayaan Soomaaliya. Ammaanka shaqsiga wuxuu u baahan yahay in dhammaan Keenyaanku ay ka hortagaan argagaxisada. Ma doonayno inaan Soomaaliya kasoo baxno," yuu yiri xildhibaan Aadan Barre.

Ducaale ayaa hadalkan sheegay kulan uu kaga qaybgalay magaalada Nakuuri, isagoo sheegy in tan iyo inta ay ciidamada Kenya cagta marainayaan argagaxisada aysan kasoo baxay ciidamada KDF gudah dalka Soomaaliya.


Xisbiga mucaardka ah ee dalka Kenya ODM ayaa ku baaqay shalay in xukuumadda Kenya ay kala soo baxdo ciidamadeeda gudaha Soomaaliya, taasoo uu ku sheegay inay dani ugu jirto ammaank Kenya, isagoo sheegay in xiligan aysan jirin wax dan ah oo Kenya ay ku qabto Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto oo isaguna shir jaraa'id ku qabtay shalay gellinkii dambe magaalada Nairobi ayaa sheegay in ciidamada Kenya aysan kasoo baxayn Soomaaliya inta dalalka gobolka oo dhan ay ammaan ka noqonayaa.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ee ka howlgalaya Soomaaliya, waxaana ciidamadoodu ay ku sugan yihiin deegaannada Koonfurta dalka Soomaaliya sida Jubbooyinka iyo Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya