
Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Ugu yaraan shan canug ayaa ku dhintay dhowr qof oo kalena way ku dhaawacmeen roobab xalay ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaasoo saameyn xooggan ku yeeshay barakacayaasha ku nool Muqdisho.
Carruurta dhimatay roobabka ayaa laba ka mid ah waxaa kusoo dumay darbi ay ku hoos-noolaayeen qoyskooda oo ku yaalla degmada Wadajir, iyadoo sidoo kale saddex kale ay qaadeen daadkii roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho, kuwaasoo ay qoysaskoodu barakac ahaan ugu noolaayeen degmada Hodan.
Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxay socdeen muddo hal saac iyo bar ah, kuwaasoo ahaa kuwo xooggan, waxaana ay dhigeen waddooyinka Muqdisho qaarkood biyo fara badan.
Barakacayaal ku nool degmada Hodan ayaa sheegay in saddexda caruurta ah ee dhintay ay biyuhu dafeen, laguna guuleysan waayay in laga badbaadiyo, taasoo keentay in markii dambe la helo maydadkooda.
Degmada Wadajir ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dhowr qof oo ka mid ah barakacayaashii ku noolaa, kaddib markii ay kusoo dumeen darbiyo waaweyn oo ay ka hoos-dhisteen buushash ay ku noolaayeen.
Qaar ka mid ah barakacayaashii ay roobabku saameynta ku yeesheen xalay ayaa la billaabay in la dajiyo deegaanno ka baxsan biyaha, si aysan khasaare ugu geysan roobabka soo socda.
Roobabkii xalay ka da’ay Muqdisho oo qayb ka ahaa roobabka xilliga guga ayaa kusoo beegmay xilli ay cadceedda Muqdisho aad u kulayd maalmihii aynu soo dhaafnay, iyadoo dadka badankiis ay aad ugu farxeen roobabka billowday.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya