Madaxweynaha Jabuuti oo Arrimaha Soomaaliya kala hadlay Barack Obama


Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, kaga hadlay arrimaha Soomaaliya, isagoo xusay in Soomaaliya aysan u muuqan inay doorashooyin ka qabsoomi karaan laba sano kaddib.

Geelle oo wareys siinaya idaacadaha VOA-da iyo BBC-da ayaa sheegay in qodobbada ay labadoodu ka wada hadleen ay u badnayd Soomaaliya, uuna madaxweynaha Mareykanka Barack Obama uu rajo wanaagsan ka muujinayo arrimaha Soomaaliya.

"Madaxweynuhu rajo wanaagsan ayuu muujiyay, balse innaga taas nooma muuqato, waayo markii laga saarayay Soomaaliya xilliga KMG ah waxaa loo qabtay afar sano, hadda waxaa baxday laba sano, mana filayo in laba sano lagu suuro-gelin karo in doorasho ay qabsoonto," ayuu yiri Geelle

Sidoo kale, madaxweynaha Jabuuti wuxuu sheegay in qorshaha keliya ee Soomaaliya ay ku gaari karto hadafka ay higsanayso waa in la helo ciidammo awood oo leh oo dalka difaaci kara una jawaabi kara kuwa doonaya inay dhibaatada abuuraan.

"Innaga ciidammo hal guuto ah oo kunkoodii wax ka dhiman yahay ayaa nooga sugan Soomaaliya, waxaana doonaynaa inaan biirinno, ciidamadaas waxaa ka bar-bar shaqeeya kun askari oo Soomaali ah kuwaasoo wixii ay cunaan la cuna, dharkii ay xirtaan la xirta, dagaalkana la gala, marka waxaan ku talin lahaa sidaas oo kale inay ciidamada AMISOM sameeyaan, si loo helo ciidan Soomaaliyeed oo awood leh," ayuu mar kale yiri madaxweynaha Jabuuti.

Mar uu ka hadlayay qorshaha Jabuuti ee uu kala hadlay madaxweynaha Mareykanka ayuu sheegay inay ku heshiiyeen in saldhiggii Mareykanka uu ku lahaa Jabuuti inuu sii shaqeeyo, xooggana la saaro sidii shacabka Jabuuti shaqaale ay uga noqon lahaayeen.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Jabuuti wuxuu xusay in dowladdiisa ay ka go'an tahay inay taageerto dowladda federaalka Soomaaliya si ay ugu guuleysato hadafyadeeda, balse wuxuu xusay in arrinta uu ku talinayo ay tahay in la dhiso ciidammo Soomaaliyeed oo awood leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya