Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ayaa guullo ka sheegtay iska horimaad xalay ka dhacay meel dulleedka ka ah degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.
Wararka naga soo gaaraya degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan ayaa xusay in meel dulleedka ah degmada lagu arkay meydadka ilaa lix ruux oo la sheegay in ay ka tirsanaayeen Al-shabaab.
Saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhinacooda wax khasaare ah ka soo gaarin iska horimaadka, laakiin dilleen tiro ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday.
Bishii Maarso ee ina dhaaftay ayeey aheyd markii Al-shabaab lagala wareegay gacan ku heynta degmada Buula-burte, wixii xiligaan ka danbeeyayna waxaa inta badan ka dhacayay degmada weeraro kala duwan oo ay soo qaadayeen Al-shabaab, waxaana ka mid ahaa weerar Ismiidamin ah oo ay ku dilleen abaanduulihii ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan Col Max’ed Amiin.
Taliska ciidanka AMISOM ayaa sheegay in Al-shabaab muhiim gaar ah u laheyd degmada, waana tan keentay ayaa la leeyahay in inta badan weerarada rogaan cilinta ah oo ay ku qaadaan degmada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya