Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maanta la kulmay Nicholas Kay (SAWIRRO)


Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir isla markaana ah duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta kula kulmay Muqdisho ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, dajire Nicholas Kay, iyadoo kulankoodu uu ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee degmada Heliwaa.

Danjire Kay ayaa waxaa xarinta uu kulanku ka dhacay kusoo dhaweeyay dhamaan guddoomiyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir, qaar ka mid ah wax-garadka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Muun-gaab iyo Kay ayaa intaas kaddib yeeshay kulan gaar ah oo ay kaga hadleen arrimo ay ka mid yihiin amniga, ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii QM ay uga qayb-qaadan lahayd horumarrada ka socda gobolka Banaadir.

“Aniga iyo Kay waxaan kawada hadalnay sidii loo tayeyn lahaa ciidamada hoos-taga maamulka gobolka Banaadir iyo kaalinta ay beesha caalamka ka geysan karto dib u dhiska caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho,” ayuu yiri Muun-gaab markii uu soo dhammaaday kulanka.

Muun-gaab wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta ku qaabilo danjiraha Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia xarunta cusub ee maamulka gobolka Banaadir, isagoo ku tilmaamay in kulanku ka dhaco Huriwaa inay caddeyn u tahay ammaanka ka jira Muqdisho.

Sidoo kale, Danjire Kay ayaa u sheegay warbaahinta inuu maamulka gobolka ugu hambalyeynayo horumarka ka socda Muqdisho, isagoo sheegay in dhankooda ay sii xoojinayaan taageerada ku aaddan xasilinta iyo nabadeynta guud ahaan Somalia.

Waa markii ugu horreysay oo ay kulan ku yeeshaan Muqdisho ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, danjire Kay iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya