Kooxo Hubeysan Kismaayo ku dilay Askari ka Tirsan Maamulka KMG Jubba

Talaado, May 06, 2014(HOL) Kooxo hubeeysan oo aan heybtooda la aqoon ayaa caawa salaadii maqrib kadib xilliga Soomaaliya toogasho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada maamulka Jubba xilli uu kusii socday gurigiisa.

Dilkan ayaa ka dhacay xaafadda faanoole, iyadoo kooxihii dilka geystay ay u suurogashay in durba ay goobta isaga baxsadaan.

Ciidamada ammaanka maamulka Jubba ayaa dilka kadib goobta gaaray, waxayna halkaasi ka bilaabeen howlgallo ballaaran oo ay ku baadigoobayaan cidii ka danbeeysay dilka.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa howlgallo ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga caawa ka wada guud ahaan wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo.

Dilkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo sidan oo kale ay xalay kooxo hubeeysan toogasho ku dileen ganacsade, kaasoo aan isna la garanayn cida ka danbeeysay dilkiisa.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.