Cali Khaliif oo ka qaybgalay dibadbax iyo Xagala-toosiye oo booqday xarumo


Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh ayaa maanta kaga qayb-galay magaalada Buuhoodle dibadbax ay soo qabanqaabiyeen taageerayaasha maamulka Khaatumo.

Dibadbaxayaasha oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland ayaa waxaa goob fagaare ah kala hadlay xildhibaan Cali Khaliif Galaydh oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaaladaas; waxaanu ku boorriyay dadweynihii dibadbaxa dhigayay in ay ilaaliyaan isku-duubnidooda.

Galeydh ayaa shacabkii isku soo baxay ka codsaday inay ilaashadaan aayahooda isla markaana ka feejignaadaan sida uu sheegay dabinnada ay Somaliland kawado magaalada Buuhoodle.

Xildhibaankan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya wuxuu socod kusoo maray suuqyada iyo waddooyinka Buuhoodle isagoo meel walba kula kulmayay shacabka deegaanka oo jibo xoog lihi ka muuqatay.

Dhinaca kale, wasiirka caafimaadka Somaliland, Saleebaan Ciise Axmed Xagla-toosiye ayaa kormeer ku tagay laamaha caafimaadka Buuhoodle isagoo warxinno ka dhageystay hawl-wadeennada caafimaadka ee halkaas ku sugnaa taasoo ay ugu badnaayeen baahiyaha dhabta ah ee ka jira dhinaca caafimaadka, waxaanu Xagla-toosiye ballan-qaaday inuu wax weyn ka qaban doono baahiya caafimaad ee jira.

Wasiirku wuxuu sidoo kale dhagax-dhigay xarun uu sheegay inay ka dhisi doonaan machad caafimaadka lagu barto; kaasoo uu sheegay inay dhismihiisa billaabanayo maalmaha soo socda si looga baxo guryaha kirada ah ee ay haatan wax ku bartaan dhalinyarada barta caafimaadka.

Is-maan-dhaafka siyaasadeed ee ka taagan Buuhoodle ayaa cabsi laga qabaa inuu saameyn ku yeesho ammaanka magaaladaas oo haatan ay kuwada sugan yihiin mas’uuliyiin maamulka Khaatumo iyo Somaliland; isla markaana la saadaalinayo in maamulka Puntlandna ay cidi ka timaaddo.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool