Dab ka kacay Xaafadda ay Soomaalidu ka dagan tahay Kampala ee Kisenya

Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Xaafadda Kisenya ee magaalada Kampala oo ay degto Soomaalida dalkaas ku nool ayaa la sheegay inuu dab xooggan ka kacay, dabkaan uu weli si xooggan u socdo.

Wararka laga helayo Kampala ayaa sheegaya in masaajid ku yaala xaafaddaas oo lagu magacaabo Towxiid uu dabka gaaray; waxaana dabka uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaq ganacsi oo Soomaalda ay ku leedahay xaafaddaas.

Gaadiidka dab-damiska ayaan wali halkaas gaarin; balse waxaa la filayaa goobta ay gaaraan si ay ula dagaalamaan dabka, iyadoo dabkaas uu geystay khasaare aan la aqoon, iyadoo wararku ay intaas ku darayaan inay waxyeello shacabka ka soo gaartay.

Ma jiro hadal weli kasoo baxay maamulka magaalada Kampala iyo xukuumadda Uganda, kaasoo ku saabsan dabka ka kacay xaafadda ay Soomaalidu degto ee Kasinya, iyadoo dabkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo xaafaddaas ka kaca.

Dhanka kale, dabkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo heegan buuxa ay ku jireen ciidamada amniga dalka Uganda, si ay uga hortagaan weerarro argagaxiso oo ka dhaca magaaladaas, kaddib qaraxyo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacay Nairobi iyo Mombasa oo ku yaalla Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya