Madaxweynaha Somalia oo soo Gaba-gabeeyay Safar uu dibadda ugu Maqnaa

Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in saacadaha soo socda uu si dib ugu soo laabto Muqdisho, kaddib baaq ay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka uga dalbadeen inuu xilka iska casilo.

Xasan Sheekh oo safar ku joogay dalka Imaaraadka Carabta ayaa soo gaba-gabeeyay, iyadoo lagu wado inuu maanta dib ugu soo laabto Muqdisho si uu uga jawaabo baaqii xildhibaannadu ay shalay kasoo saareen Muqdisho.

Mudanayaasha baarlamaanka ee ku shiray Muqdisho ayaa ku dhaliilay Xasan Sheekh inuu ku guul-darreystay howlaha loo idmaday, iyadoo dhawaan uu si cad uga sheegay madaxweynuhu Addis Ababa in dalka ay ka dhacayso doorasho marka la gaaro sannadka 2016-ka oo xilligiisa uu ku eg’yahay.

Sidoo kale, xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuusan fulin ballan-qaadyadii uu horayu sheegay ee ahaa lixda qodob, kuwaasoo uu sal-dhig uga dhigay howlaha ay dowladdiisu qabanayso.

Baaqa ay xildhibaannada baalamaanka Soomaaliya saareen ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo howlaha madaxweynaha Soomaaliya lagu dhaliilo tan iyo markii xilka loo doortay dhammaadkii sannadkii 2016-ka.

Kulanka xildhibaannadan ay ku yeesheen Muqdisho ayaa noqonaya culeyskii ugu weynaa ee madaxweynaha la saaro, iyadoo madaxweynaha aan la ogeyn sida uu kaga jawaabi doono baaqaas oo ay sheegeen xildhibaannadu haddii uu fulin waayo inay sida sharciga ah u marayaan xil ka qaadistiisa.

Dhanka kale, xildhibaannadii shalay ku shiray Muqdisho oo tiradoodu ahayd in ka badan 130-xildhibaan ayaa waxay sheegeen inay madaxweynaha cadaasi ku saari doonaan inuu xilka iska-casilo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya