Talaado, May 06, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa kulan saacado socday la qaatay mas'uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba, kaasoo ay kaga hadleen arrimo dhowr ah.
Wafdigan oo ay hoggaaminasay Judy Cheng-Hopkins ayaa waxaa xubnihiisa waxaa ka mid ahaa ku xigeenka wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia Fatiha, iyagoo markii ay ka dageen garoonka loo galbiyay madaxtooyada Kismaayo halkaas oo kulan albaabbadu u xiran yihiin kula yeeshay madaxda maamulka Jubba.
Markii kulanka lasoo gunaanaday ayaa waxa si wadajir ah warbaahinta ugu faahfaahiyay wixii looga hadlay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubba, C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Judy Cheng-Hopkins, waxayna sheegeen inay ka wada-hadleen arrimaha ammaanka iyo dib u heshiisiinta.
Madaxweyne ku xigeenka Jubba ayaa sheegay in wafdigan ay kala hadleen arrimo ay ka mid yihiin sugidda amniga seddexda gobol ee Jubbaland, sidii loo sii wadi lahaa arrimaha dib u heshiisiinta deegaannadan iyo weliba dib u dhiska maamulka Jubba.
Kulankan ayaa kusoo beegmaya iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay degmada Kismaayo ka soconayeen shirar dib u heshiisiineed oo la isugu soo dhaweynayay beelaha wax kala tabanayay ee wada-dega Jubbooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya