Dableey laba ruux ku dilay Deegaannno u dhexeeya Buuhoodle iyo Burco

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa laba qof ku dilay maqribkii caawa deegaanka lagu magcaabo Balanbal oo u dhexeeya tuulooyinka Meygaagle iyo Galal, kuwaasoo degmada Buuhoodle kaga beegan dhinaca waqooyi qiyaas 45-km.

Dableyda ayaa la sheegay inay isku hayb ahaayeen nin saaka subaxnimadii hore lagu dilay deegaankaas oo ay haatan isugu soo guureen reer guuraa ah oo meelo fog-fog ka yimid si ay xoolahooda ugu helaan naq.

Xaaladda deegaanka ayaa sida uu HOL u sheegay Maxamuud C/llaahi oo ku sugan deegaanka Horufadhi oo aan halkaas ka fogayn ay tahay mid xiisad colaadeed iyo hub-urursi uu ka muuqdo, iyadoo aanay jirin cid isku deyaysa inay colaadda hakiso.

Deegaannada ay falalkan ka dheceen ayaa ah kuwo colaad baaxad leh oo boqolaal qof ku dhigeen ay horay uga dhexmareen ciidamada Somaliland iyo beelaha dega Buuhoodle, taasoo saameyn ku yeelatay beelada deegaan wadaagga ah ee ku nool Buuhoodle iyo Burco, waxaana lagu guul-dareystay dhowr jeer oo la isku deyay in arrintaasi nabadeyn laga sameeyo, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladdu faraha ka baxdo.

Arrintan ayaa dhaawac weyn ku keenaysa wasiirka caafimaadka Somaliland oo ku sugnaa Buuhoodle maalmihii lasoo dhaafay, waana mas’uulkii ugu horreeyay oo ka socda Somaliland oo degmadaas taga tan iyo colaadihii deegaannadaasi ka dhacay, waxaana dad badani saadaalinayaan in saameyn ay ku yeelayso labada dhinacba; maadaama beeshiisu qayb ka tahay colaadda haatan mar kale majaha la baxday.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool