Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud qaybteeda gar-gaarka ee Hormuud Foundation ayaa maanta deeq lacageed u qaybisay qaybtii labaad qoysas barakacayaal ah oo ku sugnaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.
Qoysaskan ayaa ka mid ah tiro dad ah oo kasoo barakacay deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan tuulooyin hoostaga degmada Qoryooley.
Madaxa Hormuud Foundation, C/llaahi Nuur Cismaan oo saxaafadda kula hadlay goobta ay deeqda lacageed ku bixinayeen ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka loo bixiyay lacagta ay deeq ahaanta u baxsheen.
C/llaahi Nuur ayaa sheegay in deeqdan lacageed ay tahay qaybtii labaad ee ay bixiyaan, isagoo xusay in qoysaska lacagta la gaarsiiyay ay tiradoodu ahayd 200 oo qoys, ayna maalin hore u qaybiyeen deeq tan oo kale ah 300 qoys oo ka mid ah dadkan barakacayaasha ah.
“Hormuud ma ahan hay’ad kheyri ah waa shirkad ganacsi, ujeeddaduna waa sidii ay kaalmooyin iyo mashaariic ugu sameyn lahayd dadka dhibaateysana ee dalka ku nool, faa’iidada shirkadda qayb ka mid ah ayaana taageeradaas lagu bixiyaa,” ayuu yiri C/llaahi Nuur oo intaa ku daray inay sii wadi doonaan kaalmada ay la garab-taagan yihiin shacabka xilli kasta iyo meel kasta.
Dhinaca kale, maamulaha shirkada Hormuud ee degmada Qoyooley oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo in la caawiyo dad dan-yarta ah ee u baahan kaalmo bini’aadanimo isagoona Hormuud Foundation ugu hambalyeeyay taageerada ay la garab taagan yihiin dadka masaakiinta ah.
Qoysaskaas barakacayaasha ah ee la gaarsiiyay kaalmada ayaa si aad ah uga mahadceliyay lacagta loo qaybiyay ee uga timid shirkadda isgaarsiinta Hormuud qaybteeda deeq-bixinta, iyagoo xusay inay si weyn ugu baahi qabeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya