Haweeney lagu dilay Buur-hakaba iyo Maydad lagu aasay duleedka Baydhabo

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Haweeney uur leh ayaa lagu dilay degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay, taasoo ay gurigeeda kala baxeen kooxo hubeysan oo aan haybtooda la garanayn, dababadeedna ay toogteen.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in haweeneydan ay raashinka u karin jirtay ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Buur-hakaba, taasoo loo maleynayo inay tahay sababta loo dilay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso dilkeeda, balse dilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu eedeeyaan Al-shabaab oo dagaal kula jira ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuw Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo ayaa shalay lagu aasay 12-qof oo ahaa dadkii ku dhintay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay bartamaha Baydhabo, waxaa ka mid ahaa dadkaas shan ruux oo ka mid ahaa shaqaalaha Dahab-shiil iyo nin lagu magacaabi jiray, Isaaq Yaroo w(Akhii Ufurow) oo ka mid ahaa ganacsatada sida weyn looga yaqaanno Baydhabo.

Maydadka ayaa waxaa lagu aasay deegaan lagu magacaabo Makuudo oo 5-km u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo ciidamada dowladdu ay u qabqabteen qaraxan siddeed qof.

Hiiraan Online, Baydhabo