Dhismaha iyo Dayac-tirka Safaaradda Somalia ee Belgium oo la billaabayo


Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool qaybaha kala duwan ee Yurub ayaa bilaabay olole balaaran oo loogu tala-galay in dib mar kale loogu dhiso safaaraddii Soomaalida ee dalka Belgium sidaasi waxaa Hiiraan Online u sheegay Daahir Cali Kulmiye oo xubin fir-fircoon ka ah guddiga howshan wada.

“Wajiga hore ee arintan ,waxa uu yahay in aan dhisno safaaradda, sababtoo ah waa albaabka diblumaaasiyadeed ee Yurub ,teeda kale safaarad ahaan waxa ay masuul ka tahay xiriirka Soomaaliya iyo Midowga Yurub dhex maraya “ayuu yiri Daahir Kulmiye oo la hadlayay HOl.

“Qorshaha  lacagta loogu aruurinayo safaaradda waxaan ku qabannay London asbuucii hore si guul ah ayeyna noogu  soo gaba-gabowday, waxaana helnay xoogaa lacag ah, balse wali fari kama qodna oo waa ay socon doontaa,” ayuu mar kale yiri masuulkan.

Daahir ayaa ammaan ballaaran u jeediyay xubnaha howshan ka shaqaynaya, isagoo xusay in muhiim ay tahay dib u dhiska  safaaraddan oo howlo badan u haysay Soomaaliya ka hor intii aysan dhicin dowladdii  dhexe.

“Si gaar ah waxaan arintan ugu mahadsan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Holland iyo Swedan ,waana wadi doonaa howshan ila aan ka dhabayno hamigeenna ah inaan dib u dhisno safaaradda”ayuu mar kale xusay Daahir.

Ugu yaraan maanta wax ayaan haynaa ,waxaana qorshaynaynaa in bilowno dib u dhiska safaaradda sida ugu macquulsan , Ma dhihi karo waa xiliigaas ,balse waxaan arintan kala tashan doonaa xubnaha ila shaqaynaya ,si aan go’aan uga gaarno xilliga uu sida rasmiga ah u bilaabanayo dhismaha,“ ayu ku sheegay waraysiga uu siiyay HOL, isaga oo si qota dheer uga hadlay waxyaabaha u qabsoomay jaaliyadaha kala duwan ee arintan iska kaashanaya.

Daahir oo kamid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska ayaa ugu baaqay qaybaha kale ee Soomaalida in ay ka qayb-qaataan ololahaan oo muddo dheer soo socday ,waxaana uu ka digay in la dhayalsado dhismaha iyo dayactirka safaaraddan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]