Maxkamadda Khartuum oo Amartay dilka Haweeney ka baxday Islaamka

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Maxkamad ku taalla magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa haweenay u qabatay inay laba casho kaga laabato go’aan ay diinta Islamka uga baxday, haddii kale la dili doono.

Guddoomiyaha maxkamada Khartuum ayaa ugu baaqay haweeneydan oo 27-jir ah oo lagu magacaabo, Maryan Yaxya Ibraahim in illaa maalinta Khamiista ah oo berry ku beegan ay uga laabato go’aankeeda ah inay Islaamka ka baxday.

Haweeneydan ayaa dhawaan sheegtay inay ka baxday diinta Islaamka ayna diinta masiixiyadda qaadatay, isla markaana guursatay nin masiixi ah. Iyadoo go’aanka maxkamadda uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay soo saarto maxkamaddan.

Qaaliga maxkamadda ayaa amar ku bixiyay in haddii haweeneydan ay kaga laaban waydo go’aankeeda ay diinta Islaamka kaga baxday in la dilo, iyadoo shacabka ku nool dalka Suudaan ay sugayaan in haweeneydu ay ka laabato go’aankeeda iyo in la dilo.

Shacabka dalka Suudaan ku nool ayaa intooda badan ah muslim, inkastoo ay jiraan dad masiixiyiin ah oo dalkaas ku nool, kuwaasoo aad u tiro yar, iyadoo tallaabadan ay ka dhigayso in dalkaas uu mamnuuc ka yahay in qofka muslimka ah uu diinta ka baxo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya