
Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Xukummada Britain ayaa ku wargelisay in ka badan 5,000 oo muwaadiinteeda ah oo ku sugan Mombasa ee dalka Kenya inay halkaas ka baxaan, kaddib markii ay soo baxday cabsi laga qabo inay weerarro argagaxiso ka dhacaan.
Xafiiska barwaaqo-soorka wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain ayaa soo saartay digniintan maanta oo Arbaco ah, iyadoo warbixinta lagu sheegay in shacabka British-ka ah ay ka digtoonaadaan inay u safraan Mombasa iyo deegaannada ku dhow-dhow.
“Haddii aad ku sugan tahay goobaha aan digniinta kasoo saarnay, waxaa kuugu baaqaynaa inaad kasoo baxdo, balse haddii aad go’aansato inaan sii joogto waa go’aankaaga. Haddii aadan jooginna waxaan kaaga digaynaa inaad magaaladaas u safarto,” ayaa lagu yiri digniinta.
Goobaha laga digay in safarka lagu tago ayaa waxaa ka mid ah, Mombasa, deegaan waqooyi kaga beegan 5-km oo lagu magacaabo Mtwapa Creek iyo deegaan Koonfur kaga beegan oo lagu magacaabo Tiwi.
Deegaannadan digniinta laga soo saaray kuma jiraan Diani iyo garoonka Moi oo ku yaalla Mombasa, sida lagu sheegay warbixinta digniinta ah ee dowladda Britain ay soo saartay.
Britain ayaa sheegtay in xukuumadda Kenya ay kala shaqeyso sidii looga hor-tegi lahaa falalka argagaxiso ee Kenya ka dhaca, xoojinta awoodda baaritaannada, sida dacwada loosoo oogo iyo qab-qabashada argagaxisada iyadoo la waafajinayo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.
Magaalada Mombasa ayaa waxaa ku nool dad badan oo British iyo Yurubiyaan kale ah, iyadoo ay jiraan dad kale oo fara badan oo dalxiis u taga, waxaana dhowr jeer oo hore laga soo saaray magaaladaas digniino dhinaca argagaxisada ah.
Bishan saddexdii waxaa magaalada Mombasa ka dhacay laba qarax oo sababay in ay dhintaan saddex qof oo shacab ah in ka badan 30-qof oo kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya