Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo Muqdisho kula kulmay Saraakiil Talyaani ah


Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga u qaabilsan hawlgallada dibadda oo Soomaaliya ay ka mid tahay, Jen. Batarooni.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyadoo diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka Soomaaliya, tababbarada iyo taageerada ay dawladda Talyaanigu siiso ciidamadda Soomaaliya.

“Talyaanigu waa saaxiibbo in muddo ah taageero noo fidinayay, kulankan wuxuu sii xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxayna dhawr jeer oo hore ugu deeqeen ciidamadeenna qalab iyo tababbaro ay siiyeen. Waxaana hadda dalka ku sugan khubaro dhanka ciidamada ah oo naga taageera tababbarrada ciidamadeena,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia, Maxamed Xasan Xaamud oo kulanka kaddib shir jaraa’id saxaafadda u qabtay ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Cabdiweli iyo taliyuhu ay ka wada-hadleen sidii loo dar-dar-gelin lahaa taageerada millateri ee dawladda Talyaanigu siiso Soomaaliya.

“Maanta Muqdisho waxaa nagu soo booqday, Jen. Bataroni oo ka socday dalka Talyaaniga; kaasoo ah u qaybsanaha Talyaaniga ee hawlgallada dibadda, sidaad la socotaana Talyaaniga waxaa ka jooga Soomaaliya saraakiil tababara ciidanka, waxaana isla soo qaadnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka milateri ee ka dhaxeeya labada dal,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhiggu ku sheegay shirkiisa jaraa’id, isagoo intaas raaciyay in Talyaanigu ay ballan-qaadeen kordhinta taageerada ay dawladda Soomaaliya siiyaan.

Dhanaca kale, Xaamud ayaa ka hadlay dagaalladii shalay ka dhacay magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasoo ay ku dhinteen tiro dad ah oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay.

“Halkaan waxaan tacsi uga dirayaa ehelada dadkii ku dhintay dagaalkii shalay ka dhacay magaalada Balad-xaawo, kuwii ku dhaawacmayna waxaan EEBBE uga baryaynaa inuu caafimaad siiyo, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada dagaalku ku dhexmaray Beled-xaawo inay joojiyaan dagaalka kana qayb-qaataan sidii looga hortegi lahaa colaadaas,” ayuu yiri wasiirku hadalkiisa ku daray. Isagoo beeniyay inay ciidamada dowladda Soomaaliya ku lug leeyihiin dagaalladaas.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay in dagaallada Beled-xaawo ay fursad siin karaan kooxaha Al-shabaab, si ay dib isugu abaabulaan iskuna dayaan inay ku dhigaan gacanta degmadaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya