Al-shabaab oo degmada Baardheere ku toogatay nin ay ku sheegeen basaas

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa gellinkii dambe ee shalay ku toogtay meel fagaare ah oo ku taalla degmada Baar-dheere ee gobolka Gedo nin ay ku eedeeyeen inuu u basaas la shaqeynayay ciidamada dowladda Soomaaliya.

C/xamiid Sheekh Maxamed Xuseen oo da’diidu ahayd 21-sano ayaa waxaa xukun ku ridday maxkamadda Al-shabaab, iyadoo qaaliga maxkamadda uu sheegay inuu qirtay C/xamiid inuu ahaa basaas u shaqeynayay dowladda Soomaaliya.

“Ninkan muddo sannad iyo bar ah ayuu la shaqeynayay ciidamada dowladda, una basaasayay. Waxaa uu xusay in cid kasta oo basaas u noqota ciidamada dowladda iyo hay'adaha sir-doonka reer galbeedka ay marsiinayaan xukun noocan lla mid ah,” ayu yiri qaaliga maxkamadda Al-shabaab oo xukunka kaddib hadlayay.

Guddoomiyaha Al-shabaab ee Gedo, mas’uuliyiin ka tirsan Al-shabaab iyo shacab fara badan ayaa goobjoog ka ahaa goobta uu xukunku ka dhacayay, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay toogato ruux ay ku eedeysay inuu yahay basaas.

C/raxmaan Sayid oo ah mas’uulka Al-shabaab ee Gedo ayaa ku baaqay in shacabka ay ka digtoonaadaan u baasaasidda ciidamada Itoobiya, isagoo xusay in ruuxii lagu helo basaasnimo ay ku fulin doonaan xukun dil ah.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii uu billowday dagaallada ay kula jirto ciidamada AMISOM lagana qabsaday deegaanno badan waxay xoojiyeen dilalka ay ku fulinayaan dadka ay ku eedeeyaan inay basaasiin u yihiin dalalka galbeed iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya