Ururka ADESO oo Aqoon-is-weydaarsi kusoo Gaba-gabeeyay Taleex

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Aqoon is-weydaarsi ku saabsan nabadda iyo is-dhex-galka bulshada ayaa lagu soo gabagabeeyey degmada Taleex oo 170-KM dhinaca waqooyi-bari kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Aqoon is-weydaarsigan oo socday laba casho ayaa waxaa ka qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana soo qaban-qaabiyay urur lagu magcaabe ADESO oo ka hawlgala deegaannada Putland.

Wakiilka ururka ADESO, C/risaaq Maxamed Faarax ayaa sheegay in Taleex ay kula kulmeen dad u bisil sidii isbedel loo samayn lahaa, wuxuuna mahad-celiyay guud ahaan dadkii hawshan kala qayb-qaatay.

Sidoo kale, Suusan C/llaahi Maxmed Mire oo ku hadashay afka ururka ADESO ayaa iyadana sheegtay in muhiimaddoodu ay tahay sidii loo dhimi lahaa ku dhaqanka qabyaaladda loona hormarin lahaa fikirka wax qabsiga iyo is-dhex-galka bulshada taasoo looga jeedo in la helo bulsho maskaxda ka dhisan.

Raxma Siciid Cabdi oo ka mid ahayd ka qayb-galayaasha aqoon is-weydaarsigan ayaa u mahad-celisay ururka, iyadoo meesha ka saartay hadallo ay sheegtay in cadowga Taleex ay faafiyaan oo ammaan-darro ku tilmaama, iyadoo hadalkeeda ku dartay inay ballan-qaadayaan inaan ciddii noo imaanaysa soo dhaweyno.

Waa markii u horreysay oo urur iyo hay’ad ay soo gaaraan degmada Taleex tan iyo dabayaaqadii sannadkii aan soo dhaafnay oo ciidamada Puntland ay dad badan ku laayeen degmada khilaaf siyaaseed awgeed.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool