Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Nin toorreey ku hubeysnaa ayaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ku dhaawacay saaka xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Somaliland.
Xildhibaanka la dhaawacay ayaa lagu magacaabaa, Jaamac Xasan Aadan wuxuuna ruuxa dhaawacay kaga dhuftay toorreeyda illaa shan meelood, waxaana ka mid ah goobaha uu kaga dhuftay halbowlayaal, taasoo ku keentay xildhibaanka dhiig-bax aad u daran.
Illaa hadda lama oga sababta xildhibaankan loo dhaawacay waxaana la geeay isbitaalka weyn ee magaalada Burco si xaaladdiisa loola tacaalo. Iyado ouu noqonayo xildhibaankan kii ugu horreeyay oo lagu dhaawaco magaaladaas.
Dhaawaca mudanaha ayaa ka dhacay afaafka hore ee masaajidka Berbera ee ku yaalla Burco, waxaana warar la helayo ay sheegayaan in xildhibaanka uu dhaawacii soo gaaray u dhintay walow weli maamulka isbitaalku xaqiijin arrintan.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya