Dowladda Soomaaliya oo aan ku faraxsanayn Qusullo ay Kenya Magacowday

Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Warbixin uu daabacay wargeyska Star ee kasoo baxda dalka Kenya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku faraxsanayn qunsullo ay u magacowday deegaanno ka tirsan Somalia, taasoo uu ku sheegay wargeysku inay arrintan xiisad ka dhex-abuurtay Kenya iyo Soomaaliya.

Star ayaa cinwaan uga dhigay warbixintiisa [Kenya waa inay tixgeliso inay ka baxdo Soomaaliya] iyadoo warbixinta uu hordhac uga dhigay in u yeeriddii ay u yeertay Kenya safiirkeeda Soomaaliya bishii hore ay tahay su’aal taagan.

“Qunsulka ay dowladda Kenya u magacowday Kenya waxay kicisay Soomaalida. Iyadoo Soomaalidu ay u arkeen in Kenya ay kusoo duushay dhulkooda,” ayaa lagu yiri warbixinta uu daabacay wargeyska.

Warbixinta ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in Dowladda Soomaaliya aysan ku faraxsanayn wafdi ay Kenya u dirtay Hargeysa, si ay ugala hadlaan in qusul ay u magacowdo Somaliland.

“Danjire Maxamed Cali Nuur wuxuu kusoo laabtay Kenya, isagoo sheegay inay dowladda Kenya raalli-gelin ka bixisay xarigii qunsulka safaaradda Soomaaliya ee Kenya,” ayaa sidoo kale lagu yiri warbixinta.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu sheegay in ciidamada Kenya ay qayb weyn ku lahaayeen qabsashadii magaalada Kismaayo ee bishii September 2012-kii, iyagoo ay ka barbar dagaalamayeen xoogagga kooxda Raas-kambooni.

“Gelintaankii ciidamada Kenya ay ku biireen AMISOM ayaa loo arkayay mid lagu naas-nuujinayo koox gaar ah, iyadoo dad badan oo Soomaaliyeed ay rumeysan yihiin in Kenya ay doonayso inay qabsato deegaannada Jubbooyinka qaarkood,” ayuu wargeysku warbixintiisa ku sheegay.

Wargeyska Star oo soo xiganayay mas’uul aanu magaciisa la xusin ayaa sheegay in xiisadda hadda ka oogan Somalia iyo Kenya ay tahay mid la xalin karo, isagoo ku tilmaamay xiisaddan mid xasaasi ah.

Sharci ahaan dalalka Afrika uma diraan ciidamadooda dalalka ay dariska yihiin si looga fogaado in dowladda kale ay u aragto in dalka ay dariska yihiin uu fara-gelin ku sameynayo arrimahooda gudaha.

“Haddii Kenya ay ka baxdo ka mid ahaanshaha AMSIOM, dalka kale la wareegi doona howsha ay ka hayaan Jubbooyinka, taas ayaana ah tan soo celin karta kalsoonida xukuumadda Soomaaliya, ciidamada Kenyana waxay xorriyad ugu yeelan karaan inay xuduudadooda ka difaacdaan Al-shabaab,” ayaa yiri mas’uul u waramay wargeyska Star.

Inkastoo dowladda Soomaaliya ay dhowr jeer dalbatay in ciidamada Kenya laga saaro Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay la safteen mid ka mid ah kooxihii ku dagaalamay awoodda Kismaayo, inkastoo xiisaddan goor dambe xal loo helay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya