Arbaco, May 14, 2014 (HOL) — Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo wehliyaan xubno ka tirsan gollaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeeray islamarkana booqday xarunta agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.
Ugaaska iyo odayaashii la socday ayaa halkaa kula kulmay maamulka iyo macalmiinta xarunta, iyaga oo dhinaca kalana u kuur-gallay sidda ay u socdaan howlaha isugu jira waxbarashada iyo xanaaneynta caruurta agoonta ah ee ku jirta xarunta.
Sidoo kale, Ugaas C/raxmaan ayaa dhax-galay xarunta isla markaana mid mid ula sheekeystay caruurta agoonta ah, isaga oo kala hadllay xaalada waxbarasho ee xarunta iyo sidda loo xaanaaneeyo.
Xarunta agoonta Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne waxaa ku xareysan oo waxbarasho iyo daryeel kale intaba ka hella caruur tiradoodu dhanta tahay 118 ardey oo wiilal ah, laakiin waxaa ay sheegeen maamulka iyo macalimiinta xarunta in hadda lagu soo biirinayo qeyb lagu xanaaneeyo gabadha agoonta ah oo qaar ka mid ah maanta lagu arkayay xarunta.
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ka hadllay goobta ayaa uga mahad celiyay maamulka xarunta sidda dadaalka ballaaran oo ay u galleen siddii ay u xanaaneyn lahaayeen agoonta.
“Dhamaanteen waa in aan ka qeyb-qaadanaa siddii aan u xanaaneyn laheyn, wax u bari laheyn caruuta agoonta ah oo ah ubixiin barito, sababta aan maanta halkan u soo booqday waa in aan codkeyga ku biiriyo dadaalka socda ee loogu jiro siddii guud ahaanba xanaano loogu heli lahaa caruurta agoonta ah ee ku kala firirsan gobolka, ma’aha inta oo kaliya, agoonta waa ay badan yihiin, laakiin intan ayaa nasiib u yeellantay in xarunta wax lagu baro laguna daryeello,’’ ayuu yiri Ugaas C/raxmaan.
Ugaaska ayaa xusay in degmooyinka gobolka oo idil ku biirin doonaan xarumaha noocaan oo kale ah si daryeel iyo waxbarasho bilaash ah ama lacag la’aan ah u hellaan caruuta agoonta ah.
Ugu danbeyntii Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif ayaa 20 gabdhood oo bilow ah gabdhaha agoonta ee lagu soo biirnayo xarunta guddoonsiiyay lacago sidda uu sheegay soo dhaaweyn ah, taasoo ay aad ugu farxeen waalidiinta caruurta lacagaha la guddoonsiiyay.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya