Soomaali badan oo ku sii qulquleysa Dalka Koofur Afrika, iyadoo Soomaalida Dalkaas ku nool ay dhibaatooyin la kulmaan


Arbaco, March 05, 2008(HOL): Dadyoowga soo galootiga ah ayaa si aad ah ugu soo qulqulaya dalka Koofur Afrika iyagoo ka kala imaanaya qaar ka mid ah  Wadamada kale ee Qaarada Afrika iyo waliba Wadamo kale oo ka tirsan qaarada aasiya.
 
Sanadkan 2008da ayaa waxa soo galaya qaxooti aad u tiro badan oo badankoodu ka yimid wadamada Zimbabwe, Somalia, Ethiopia Kenya, Congo, Bangladesh iyo wadamo kale.

Marka la eego qaxootiga Soomaalida ayaa waxaa ay aad uga tiro badan yihiin kuwii soo galayay sanadihii la soo dhaafay, taasoo sababtay  in magaalada cape town ee gobolka western cape oo aay ku taalo mid ka mid ah 5ta goobood ee lagu qaabilo qaxootiga ay la ciirciireeyso qaxooti aad u tiro badan oo safaf dhaadheer u gala sidii ay u heli lahaayeen waraaqaha aqoonsiga qaxootinimo.
 
Qaxootiga soomaalida ayaa waxa ay yihiin kuwa  labaad ee ugu badan ee soo gala wadankan sanadkan 2008da, waxaa kaalinta 1aad galay ee ugu badan qaxootiga soo galaya wadankan qaxootiga ka imaanaya dalaka Zimbabwe oo xuduud la leh dalka koofur afrika.
 
 Soomaalida ayaa waxa loo qoondeeyay in maalin walba oo Talaado ah si gooni ah iyaga loo qaabilo taasoo sababtay in sitimaankan ay gaareen magaalada Cape Town oo kaliya in ka badan 300 oo ruux oo rag dhalin yaro ah u badan.
 
Shaqaalaha wasaaradda arimaha gudaha ayaa waxaa caawinayay rag ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee gobolka Western Cape ee dhawaan la dhisay iyo  ururka dhalinyarada ee isla gobolkaas.
 
Waxaa kaloo caawinayay rag dhalinyaro ah oo iyagu is xilqaamay si aay ugu turjumaan dadkan cusub oo badankoodu aanay ku hadli Karin luqada ingiriiska oo wadankan ka ah luqada 1aad e looga hadlo.
 
Dadkan qaxootiga ah ee soomaaliyeed ayaa badankoodo sida ay sheegeen waxa ay ka yimaadeen  koofurta soomaaliya gaar ahaan  magaalada muqdisho iyo nawaaxigeeda oo aay dagaalo ba’ani ka jiraan.
 
Balse waxaa xusid mudan in dad badan oo soomaali ah oo iyaguna qaxooti ah ay joogeen goobta lagu qaabilayay qaxootiga kale oo Soomaaliyeed oo aan iyaga la qaabilin kuwaasi oo ay qaabilaaddooda qaadaneyso maalmo kale, sababta oo ah waxa ay safaf kale kula jireen dadyow u dhashay Wadamo kale oo ay isku jinsiyad yihiin sida Kenya, Ethiopia, iyo Djibouti.




Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa