Qiimaha Maceeshadda Suuqyada Hargeysa oo kor u kacay

Arbaco, March 05, 2008(HOL): Sicirka qiimaha Maceeshadaha kala duwan ee ay ka midka yihiin kuwa quutal-daruuriga ahi, ayaa kor u kacay suuqyada Magaalada Hargeysa.

Maceeshadaha Qiimahoodu kor u kacay, ayaa waxa ka mid ah, Bariiska, Sonkorta, Daqiiqda, Baastada iyo Saliida oo iyagu qiimahooda suuqa Hargeysa ka marayey sidan:

Bariiska waxaa Gadbada 50Kg ah lagu gadaayey $28( sideed iyo labaatan dollar).

Sonkorta= gadbada 50Kg $23 ( sadex iyo labaatan dollar).

Daqiiqdu waxay maraysay gadbada 50Kg $ 34 (afar iyo sodon).

Baastada 10 Kg $ 14 (afar iyo toban dollar).

Saliida = 10 litir $ 14 (afar iyo toban dolar).

Halka todobaad ka horna qiimahoodu suuqa Hargeysa ka ahaa sidan:

Bariisku wuxuu maraayey 50Kg $ 26 ( labaatan iyo lix dolar)

Sonkorta waxay maraysay 50Kg $ 20-20.5 ( labaatan doolar)

Daqiiqda 50Kg $32 ( laba iyo sodon doolar ).

Baastada 10Kg $12, ( laba iyo toban ).

Saliida 10 litir $ 12.( laba iyo toban).

Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay kor u kacan qiimaha meceeshada, hase yeeshee qaar ka mid ah ganacsatada Bakhaarleyda suuqyada Hargeysa oo aanu wax ka waydiinay, waxay sheegeen in uu ka kacay dhinaca waddamada dibedda ee laga keeno meceeshadahan, waxayna xuseen in sayladaha dunida oo dhan ay ka qaaliyowday ama kor uu u kacay qiimihii meceeshadu.

Intan uun kuma koobna maceeshadda qiimahoodu kor u kacay, balse waa mid ka siman gabi ahaanba maceeshadaha quutal daruuriga ah ee dalka dibadiisa laga keeno, mana aha markii ugu horaysay ee qiimaha maceeshadu kor u kaco, waase mid si isdaba jooga isu soo taraysa labadii sanadood ee ugu dambeeyey.Taas oo jahawereer iyo saamayn dhinaca nolosha ahba ku yeelatay shacbiga reer somaliland, gaar ahaana dadka danyarta ah, ee iyagu aan awoodi karin in ay wax ku iibsadaan qiimahan.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay Xukumadda Somaliland daboyaaqadii sanadkii tagay u saartay Guddi Wasiiro ah oo ka soo talo bixiya sababta keentay arintan, haddana ma jirto tallaabo muuqata oo ilaa hadda laga qaaday arrintan.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland