Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya in aysan shuruud ku xirin wada hadallo dhexmara

Arbaco, March 05, 2008(HOL): Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah Aqoonyahannada Soomaaliyeed ee mar kasta ka hadla dhibaatada ka taagan Soomaaliya ayaa xalay isagoo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu baaq u diray dhinacyada isku haya Soomaaliya.

Prof. Samatar ayaa ugu baaqay dhinacyada isku haya Soomaaliya in aysan shuruud ku xirin wada hadallo dhexmara, si dadka Soomaaliyeed ay uga baxaan dhibaatada ay ku jiraan mudada dheer.

“Waxaad mooddaa inay labada dhinacba shuruudo ku xirayaan wada hadallo ay yeeshaan waayo  Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda Federaalka waxay sheegeen in aysan wada hadal diyaar u ahayn iyadoo ay Soomaaliya joogaan Ciidamada Itoobiya, dhinaca Dowladdana waxay mas’uuliyiintooda sheegeen in aysan dooneyn in la wada hadlo kadib marka ay baxaan Ciidamada Itoobiya”yuu yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo sheegay in aan loo baahneyn shuruudahaas, isla markaana looga fadhiyo dhinacyada isku haya Soomaaliya in ay la yimaadaan wadiiqo uu wada hadal ku dhexmari karo.

“Waxaan ku talin lahaa in ay labada dhinacba Guddiyo u baxsadaan wada hadallada, kadibna ay shir isugu yimaadaan, iyadoo shirkaasna lagu qaban karo meel aan Soomaaliya gudaheeda ahayn sida Dubai oo kale”ayuu mar kale yiri Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeedaba ugu baaqay in ay iska daayaan hadallada ay Warbaahinta isu marinayaan, isla markaana ay abuuraan jawi uu wada hadal ku dhexmari karo.

Hadlakan uu sii daayay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay dhinacyada Soomaaliya isku haya  ay qalabka warbaahinta isku marinayaan hadallo aan isu soo dhawaansho muujineyn oo sii fogeynaya wada hadallo ay labada dhinac yeeshaan, tiiyoo ay sii socdaan dagaallo labada dhinac u dhaxeeya oo ay dad badan ku dhimanayaan, halka kuwo kale oo dagaallada ku  barakacayna ay xaalad nolol xumo ah ku heyso gudaha iyo daafaha Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia