Arbaco, March 05, 2008(HOL): Guddi ganacsato ah oo loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan khasaarihii bililiqo ee ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu shaaca ka qaaday qeybaha sida gaarka ah loo bililiqeystay.
Maxamuud Shiikh oo ka mid ah Guddiga loo xil saaray in ay soo qiimeeyaan khasaarihii ka dhashay bililiqadii loo geystay Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu sheegay in qeybaha ay xaqiijiyeen ee la bililiqeystay ay ka mid yihiin Bacadlaha, Dahabka, Qalabka Korontada, Sarifka Lacagaha Qalaad iyo weliba Badarka.
Laakin Maxamuud Shiikh waxaa uu ka gaabsaday in uu sheego inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay bililiqadaas iyo hantida lagu qaatay, wuxuuna sheegay in ay weli wadaan baaris, ayna warbixin buuxda soo saari doonaan marka ay baarista u soo dhamaato.
Dhanka kalena, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa guddi heer Wasiir ah waxay u saartay soo qiimeynta khasaarihii ka dhashay bililiqadii ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ay ka geysteen Suuqa Bakaaraha, iyadoo guddigaasina loo xil saaray in uu soo caddeeyo inta uu la egyahay khasaaraha bililiqadaas ka dhashay iyo saraakiishii hoggaamineysay Ciidamadii dhaca geystay.
Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) oo dhawaan ka hadlayay bililiqadii ka dhacday Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu sheegay in ay Ganacsato badan hantidooda ku waayeen, wuxuuna caddeeyay in aan loo kala harin bililiqadii dhacday oo uu sheegay in ay xitaa ka qeybqaateen Dad shacab ah oo helay dukaamo ay Ciidamada Dowladda jabsadeen oo ay ka tageen iyagoo furan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia