Wasiirka Kakuumaysiga Somaliland oo ka waramay Safar uu dhawaan ku tagay Gobolka Sanaag

Arbaco, March 05, 2008(HOL): Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland Cali Maxamed Xasan [Cali Qoor-seef], ayaa faahfaahin ka bixiyay xaalada bariga gobolka Sanaag, oo uu dhawaan ku tagay socdaal qaatay, isla markaana uu ku sugnaa  muddo toban cisho ah.
 
Wasiirka Kalluumaysiga oo shalay duhurkii xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta ayaa waxa uu yidhi “Waxaan u baxay safar aan ku tagay gobolka Sanaag, waxana aan  ku maqnaa muddo toban cisho ah, hawlo qaran oo kala duwan  ayaanu u tagnay, waxaan gaadhay ilaa degmooyinka u shisheeya, gaar ahaan degmada Badhan, oo aan muddo shan cisho ah ku sugnayn, hawlihii aanu u tagnayna si fiican ayay noogu soo dhamaadeen.”
 
Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu ka dayriyay xaalada abaareed iyo sixir barar oo uu sheegay inuu ka jiro gobolka Sanaag, waxaanu yidhi“Hawlihii aanu halkaasi u tagnay waxa ka mid ahaa kormeerida iyo xog ogaal u noqoshashada gobolka, oo hadda ay ka jiraan dhibaatooyin abaareed oo ba’an, waxa kale oo ka jirtay abaar kale oo ah sicir barar. Wakhti jiilaal ahna way ahayd oo biyaha iyo daaquba ay gabaabsi ahaayeen”.
 
Md Cali Maxamed Xasan, oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Ceelasha qaarkood oo xataa jabay gurmad ayaanu halkaasi uga soo samaynay, oo wasaarada macdanta iyo biyaha ayaanu la soo xidhiidhnay, qaarna waa la sameeyay qaarna waa loo wadaa ,  meelaha qaarkood gobolka caafimaad darro iyo nafaqo darro ayaa ka jirtay, iyadana wasaarada caafimaadka ayaa u baxaysa.”
 
Md Qoor-seef waxa uu ka dayriyay wadooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee gobolka Sanaag, oo uu xusay inay liitaan.
 
Wasiirka kalluumaysiga oo la weydiiyay in degmada Badhan ay yimaadeen niman u dhashay oo ka tirsan maamulka Puntland, taasina ay xamaasad ku abuurtay dadweynihii oo labadii dhinacba ugu baaqay inay ka baxaan, isagoo arrintaasi ka jawaabayay waxa uu yidhi “Runtii intii aanu joognay gobolka wax iska hor imaad ah oo ka dhacay ma jirin, nimankaas aad sheegaysaana way yimaadeen dadweynihii ayaana iyaga oo kaliya ku yidhi naga baxa”.
 
Wasiirka oo aan la waydiiyay sababta keentay sicir bararka gobolkaasi ka jira, waxa uu yidhi “Horta sixir bararka waxa u sabab ah shidaalka caalamka ka qaaliyoobay,midna waa duruuf gaar  u ah oo gobollada bari ka jira oo marka laga bilaabo Togdheer iyo wixii ka shisheeyaba  waxa ku yar lacagta Somaliland, lacagtii horeee Somaaliya oo faalso ahina way ka shaqaysaa, waxana aan filayaa in si dhakhso ah wax looga qaban doono.”
 
Md Cali Maxamed Xasan, oo la weydiiyay inay jiraan maleeshiyo beeleed ka soo jeeda deegaankiisa oo la doonayo in lagu qarameeyo ciidamada Somaliland, waxaanu ku jawaabay “Haa way jiraan, qeyb waanu soo qarameynay oo way soo dhamaatayba, hoggaanadii Hargeysa naga sii raacay ayaa la soo wareegay, kuwo kalena waanu u kuur galaynaa oo dhawaan ayaan ku noqonaynaa.”
 
Wasiirka Kalluumaysiga oo aan weydiiyay waxa ka jira warar sheegaya maraakiib kalluumaysato shisheeye ahi ay xaalufiyeen khayraadkii badda, waxana uu yidhi “Markab kasta ama laash kastaa waxa uu leeyahay cabir buu leeyahay shabaagtoodu, kuwaanu liisanka siinaa 70 Ml mitir, kalluunka yar oo dhami daloolka shabaga wuu ka dhex baxayaa, markabka haddii liisan la siinayo waa la kaantaroolaa shabagiisa, waxa kale oo la kaantaroolaa noocyada uu qaadanayo. Waxaanu sanadkii hore oo dhan ruqsad siinay 12 markab”.
 
 Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland