Arbaco, March 05, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho ayaa saaka waxay ogolaadeen in la qaado oo la aaso meydad dad ay dileen oo qeybo ka mid ah Wadadaas yaalay muddo afar maalmood ah.
Odayaal is-xil-saaray oo naftooda biimeeyay ayaa waxay u tageen saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Wadada 30-ka, waxayna wada hadal kadib ku guuleysteen in ay Saraakiishaas Itoobiyaanka ah ka dhaadhiciyaan in la aaso meydad qeybo ka mid ah wadadaas yaala, kuwaasi oo qaarkood ay Bisado iyo Eeyo cuneen.
Sidoo kalena, Odayaashan ayaa waxay ku guuleysteen in ay saraakiishaas ka dhaadhiciyaan in la soo bixiyo dad ku go’doonsanaa muddo afar maalmood ah xaafado dhanka Waqooyi ka xiga Wadada 30-ka, kuwaasi oo iyagoo naf ah saaka laga soo saaray guryihii ay ku go’doonsanaayeen.
Qaar ka mid ah Dadka ku howlan aasitaanka Meydadkan ayaa waxay sheegeen in ay saaka heleen ilaa 4 meyd ah oo yaalay nawaaxiga Isgoyska Al-Baraka, waxayna sheegeen in ay jiraan meydad kale oo loogu sheegay in ay yaaliin inta u dhaxeysa Isgoysyada Black Sea iyo Al-Baraka, kuwaasi oo qaarkood ay Ciidamada Itoobiyaan carro ku dul shubeen kadib markii ay dilaaceen.
Meydadkan saaka la aasayo ayaa waxaa la dilay 1-dii bishan kadib markii uu dagaal xooggan ku dhexmaray Wadada 30-ka Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, iyadoo ay sheegis mudan tahay in aysan markii ugu horeysay ahayn in Wadadaas laga uruuriyo Meydad ay dileen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.
Ugu dambeyntiina, Wadada 30-ka ayaa haatan waxaa ku sugan Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira, kuwaasi oo qeybo ka mid ah Wadadaas dhufeysyo ka sameystay, waxaana gebi ahaanba istaagay dhaqdhaqaaqii dadka iyo gaadiidka ee wadadaas ka jiray dagaalkii dhawaan ka dhacay ka hor.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia