Arbaco, March 05, 2008(HOL): Xarun cusub oo loogu talo galay qaybta caruurta ee uu haleelay cudurka dhimirka, ayaa laga furey magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.
Xaruntan cusub oo lagu kordhiyey cusbitaalka dhimirka oo laga dhisay qaadhaan ay si wada jira u bixiyeen dadweynaha reer Burco iyo weliba qurba joogga Somaliland, ayaa xilligan lagu bilaabay ilaa 20 Caruur, kuwaas oo loogu talo galay in lagu siiyo daryeel lacag la'aan ah.
Gudoomiyaha Guddida Caafimaada Burco Jamaal Maxamed Warsame oo isagu xilligan ah masuulka gacanta ku haya cusbitaalkan, ayaa waxa uu warbaahinta u sheegay inay qaybtan cusbitaalka u fureen si ku meel gaadha ka dib baahida taagan awgeed.
Gudoomiyaha Caafimaadka waxaa uu xusay in cusbitaalka dhimirka oo ka kooban laba qaybood oo ah dadka waawayn iyo caruurta ay xilligan ka wadaan laba adeeg oo ay gacan ka siiyeen ganacsato iyo xubno dadweyne oo madax banaan.
Isaga oo arintaasi ka hadlayana waxaa u yiri “ujeedadayadu waxay ahayd in dadka loo helo meel lagu xanaaneeyo iyo weliba si dadka tuulooyina ku dayacan lagu soo guro”
Sarkaalkan gudida Caafimaadka waxaa kale oo uu xusay in adeegan la siiyo dadka ay maskaxda wax uga dhiman yihiin aan laga qaadin wax lacaga, isla markaana ay u hayaan shaqaale dhawra oo u darban adeeg bixinta, kaasi oo ka taageertay hayada Jarmal ah oo degan isla wadanka Jarmalka.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland