Arbaco, March 05, 2008(HOL): Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay howlgallo burcad sifeyn ah ka sameeyeen Deegaanno hoos-taga Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, halkaasi oo ay ka dilaaceen kooxo maleeshiyooyin ah oo dadka safarka dhac u geysta.
Xoogaggan ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa waxay isbaarooyin tiro badan ka qaadeen Waddooyin dhowr ah oo Gobolka Bakool ka soo gala dhinacyada Gobollada Bay iyo Gedo, halkaasi oo ay in muddo ah ka jireen kooxo maleeshiyooyin ah oo baarta, dhibaatooyin kalena u geysta.
Tallaabo kale oo ay qaadeen Xogagga Al-Shabaab ayaa waxay ahayd iyagoo in la dhaco ka badbaadiyay Gaadiid Mucaawino siday, kaasi oo ay kooxo burcad ah jidka u galeen, waxaana halkaas lagu dilay labo ka mid ah kooxihii burcadda ahaa kadib iska hor-imaad labada dhinac dhexmaray.
Sidoo kalena, Xoogaggan ayaa waxay ku guuleysteen in ay albaabada u laabaan Shineemooyin ku yaala Degmada Waajid, waxaana tallaabadaas si weyn u soo dhaweeyay dadka ku dhaqan Degmadaas.
Howlgallada ay Xoogagga Al-Shabaab ka sameeyeen Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa si weyn u dhaweeyay Dadka Degmadaas ku dhaqan iyo weliba Darawallada kaxeeya gaadiidka isaga kala goosha Gobolka Bakool iyo Gobollada la deriska ah, kuwaasi oo dhibaato ku qabi jiray kooxahaas burcadda ah.
Ugu dambeyntiina, Xoogaggan ayaa muddooyinkan waxay ku sugnaayeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Bakool, Bay iyo Shabeelaha Hoose, iyagoo weerarro ku qaaday fariisimo ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ku leeyihiin Gobolladaas.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia