Dagaal xooggan oo caawa fiidkii ka dhacay Bar Koontarool oo ku taala Deegaanka Siinka Dheer ee u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye

Arbaco, March 05, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa caawa fiidkii wuxuu ka dhacay Bar Koontarool oo ku taala halka loo yaqaano Siinka Dheer oo u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalkan oo waqti kooban socday balse intii uu socday la isugu adeegsaday hub culus ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Wararka ku saabsan dagaalkan ayaa waxay sheegayaan in Barta Koontarool ee ku taala Deegaanka Siinka Dheer oo ay horay ugu sugnaayeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacan ku heynteeda la wareegeen Kooxaha weerarka ku qaada fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya.

Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha uu geystay dagaalkan oo xili habeen ah dhacay, isla markaana goobta uu ka dhacay ay tahay meel aaney dad badan ku nooleyn, hayeeshee waxaa lagu soo waramayaa in uu jiro khasaare uu dagaalkan geystay.

Dagaalkan ayaa intii uu socday waxaa fariisinkooda isaga baxay Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo iyana ku sugnaa Bar Koontarool oo aan u dheereyn Koontaroolka Siinka Dheer oo ay ku sugnaayeen Ciidamo Gobol ahaan hoos yimaada Gobolka Banaadir.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Weerarrada ay qaadaan Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya ayaa waxay u muuqdaan in ay u wareegay dhinaca Magaalooyinka ka baxsan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo indhawaalaba ay dagaallo ku kooban, waxaana dhawaanahan la soo sheegayay in Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay weerarro ku qaadeen Deegaanno ka tirsan Gobollada Bay, Shabeelaha Hoose iyo Hiiraan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia