AHMEDOU OULD-ABDALLAH: “Mr. Ban Ki-moon diyaar ayuu u yahay in uu wax ka qabto mashaakilka Soomaaliya, laakin xalka badankiisa ayaa la rabaa in uu Soomaalida ka yimaado"

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Arbaco, March 05, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdalla oo isagoo ku sugan Xarunta EU-da ee Magaalada Brussels ee dalka Belgium u waramayay HOL ayaa wuxuu sheegay in ay waxba kama jiraan yihiin warar horay loo shaaciyay oo sheegayay in uusan dooneyn Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya.

Danjire Ahmedou Ould-Abdallah  waxaa uu sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-moon ay daacad ka tahay xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay taasi marag muujin u tahay isagoo qudbaddiisii ugu horeysay ee uu UN-ka jeediyay uu ku sheegay in Xaaladaha ka taagan Soomaaliya iyo Suudaan ay noqdaan ajendayaasha ugu waa weyn ee uu ka hadlo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

“Mr. Ban Ki-moon diyaar ayuu u  yahay in uu wax ka qabto mashaakilka Soomaaliya, laakin xalka badankiisa ayaa la rabaa  in uu Soomaalida ka yimaado" ayuu yiri Ahmedou Ould-Abdallah oo isagoo ku sugan Xarunta EU-da qadka Taleefoonka ugu waramayay Axmed Gure oo ah Madaxa Website-kan Hiiraan Online.

Mar uu ka waramayay Ahmedou Ould-Abdallah waxyaabaha uu ku saabsan yahay socdaalka uu ku joogo xarunta Midowga Yurub ayaa wuxuu sheegay in uu wada hadallo la leeyahya Guddiga Siyaasadda ee Midowga Yurub, kaasi oo ay ka wada hadlayaan waxyaabihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya, gaar ahaan dadaallada la xiriira nabadeynta Soomaaliya, wuxuuna intaas ku sii daray in uu sidoo kale bishan 20-keeda tegi doono Xarunta Qaramada Midoobay si uu warbixin uga siiyo Arrimaha Soomaaliya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Mar la weydiiyay  su’aal ku saabsaneyd sababta Maxkamad loo soo taagi la’ yahay dadka dembiyada dagaal ka gala Soomaaliya, isla markaana loogu aqoonsan la’ yahay dembiyo dagaal ayaa wuxuu sheegay in Mujtamaca Adduunka ay Soomaalida cadaalad darro kula dhaqmaan, isla markaana ay arrimahooda hoos u eegaan marka ay timaado ka hadalka arrimaha ku saabsan tacaddiyada ka dhaca Soomaaliya, wuxuuna tusaale u soo qaatay in Maxkamad qaada dembiyada dagaalka loo sameeyay Dalalka Liberia iyo Cambodia iyo kuwo kale.

Danjire Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu ka gaabsaday in uu jawaab ka bixiyo su’aal kale oo ku saabsaneyd in ay ilaa iyo haatan jiraan dad gaar ah oo loo heysto inay dembiyo dagaal ka galeen Dalka Soomaaliya, wuxuuse sheegay in ay jiraan hay’ado arrintaas u xil-saaran oo soo uruurin doona wixii dembiyo ahaa ee ka dhacay Soomaaliya.

Dhanka kalena, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ahmedou Ould-Abdallah waxaa uu ammaanay doorka ay ganacsatada Soomaaliyeed ku leeyihiin kaabidda adeegyadii ay dadka Soomaaliyeed u baahnaayeen, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ganacsatada Soomaaliyeed ay dhaqaalaha Soomaaliya gaarsiiyeen heer ka sareeya midka Wadamo ay Dowlado u dhisan yihiin, isagoo caddeeyay in Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda (UNPOS) uu shir lagu horumarinayo dhaqaalaha Soomaaliya u qaban doono Ganacsatada Soomaaliyeed, kaasi oo la filayo inuu qabsoomo bishan Maarso 28-29-keeda.
 
Si kastaba arrinta ha ahaatee Ahmedou Ould-Abdallah ayaa tan iyo markii loo magacaabay xilkan uu hayo ayaa wuxuu dadaal weyn u galay sidii wax looga qaban lahaa mushkiladda 17 sano jirsatay ee ka taagan Dalka Soomaaliya, isagoo haatanna si weyn ugu howlan sidii uu wada hadallo dib u heshiisiin ah uga dhex furi lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ka soo horjeeda ee ku sugan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia